Hargeisa
overcast clouds
29.5 ° C
29.5 °
29.5 °
40 %
4.5kmh
96 %
Wed
29 °
Thu
30 °
Fri
31 °
Sat
30 °
Sun
32 °
spot_img
Wednesday, May 8, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Mamnuucay Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya.

UncategorizedMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Mamnuucay Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya.
Xeer Madaxweyne: 08/12/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 16/122021 uu ka soo saaray Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya.
Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 16/122021
Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya
Markaan Arkay: Go’aanka Labada Gole (Guurtida iyo Wakiillada) ee summaddiisu tahay JSL/GB/O1/10/2003, kuna taariikhaysan 11/10/2003, ujeeddadiisuna tahay mamnuucidda ka-qayb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya;
Markaan Arkay: Degreeto Madaxweyne No: 213/2003 ee ku taariikhaysan 29/10/2003 ee lagu baahinayey go’aanka ay wada-jirka ku soo saareen labada Gole Qaran ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada);
Markaan Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan ku Qancay: In ay tahay Dambi Khiyaamo Qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland;
Waxaan Soo Saaray;
1) Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.
2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.
3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.
4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka Labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles