
Masuuliyiinta u sarraysa xukuumadda Deegaanka ayaa soo kormeeray mashaariicaha horumarineed ee ka socda magaalada Godey.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiintii uu hoggaaminayay ayaa kormeeray ballaadhinta cusbitaalka guud ee Godey oo ay ku baxayso lacag ku dhow 90 milyan oo Birr, kana kooban 8 qeybood, dhismaha mashruucan oo jiiditaan badan ku yimid ayaa loo sababeeyay is-bad-baddello ku yimid dhinaca dhismaha oo marba wax lagu kordhinayay iyo gaabis ka yimid dhinaca Xafiiska Caafimaadka DDS.
Waxa ay sida oo kale masuuliyiintu kormeereen dugsiga hoyga magaalada Godey oo ay ku baxayso lacag dhan 39 milyan oo Birr, kaasi oo la billaaabay sannadkii 2012-ka t.i, ayna qorshaysan tahay in la soo gabo’gabeeyo sannadkani 2014-ka t.i.
Xarunta horumarinta haweenka oo lagu dhisayo isku-tashi shacab, looguna talo-galay in lagu baro xirfado kala duwan haweenka danyarta ah oo ay ku baxayso 22 milyan oo Birr ayay sida oo kale soo kormeereen. marwo Faadumo Sh. Maxammed oo ka mid ah aas-aasayaasha xaruntani ayaa dowladda iyo shacabkaba ka codsatay in la garab-istaago.
Mudane Mustafe Muxummed Cumar, madaxweynaha DDS ayaa haweenkani uga mahad-celiyay dadaalka ay sameeyeen xukuumad ahaanna u ballan-qaaday in ay 2 milyan oo Birr ay ku darsanayaan, wixii kalena ay ka war-hayn doonaan hadduu Eebbe idmo.
“Dowladda iyo shacabka oo gacmaha is haysta ayaynu horumar ku gaadhi karnaa dadaallada noocan ah ee is-xilqaanka ahna waa in aynnu baranno siina xoojinno”, Mustafe Muxummed Cumar.
Dhinaca kale, waddooyinka laamida ah ee ka socda magaalada Godey oo dhan 10 waddo oo dherer ahaan dhan 10 kiilomitir iskuweer ayay masuuliyiintu kormeereen saddex waddo oo ka mid ah tobankani waddo oo hadda gabo’gabo ku dhow, halka kuwa kalena ay meelo dhex-dhexaad ah marayan.