Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa kulan ballaadhan u qabtay dhammaan masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee Wadamada Sweden, Finland iyo Denmark.
Musharrax Madaxweyne Cirro waxa uu ka hadlay xaaladda dalku ku suganyahay. waxa uu aad ugu dheeraaday xaaladda abaaraha soo noqnoqda. waxa uu guud ahaan ka hadlay xaaladda guud ee dalka. waxa uu sidoo kale ka warramay doorashooyinkii wadanka soo maray ee Golaha Wakiilada. “Doorashadaa aan soo marnay waxay noqotay doorashii ugu fiicnayd geeska afrika”, ayuu yidhi Musharrax Cirro.
waxa uu sheegay in doorashada Madaxweynenimo ay ku qabsoomayso wakhtigii loogu talo galay.




