Hargeisa
scattered clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
67 %
1.3kmh
29 %
Mon
28 °
Tue
29 °
Wed
28 °
Thu
24 °
Fri
24 °
spot_img
Monday, December 15, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedMacluumaad Ku Saabsan Xayawaanka Madaxkutida.

Macluumaad Ku Saabsan Xayawaanka Madaxkutida.

Madax-kutidu waxa ay kamid tahay dugaaga hilibcunka ah, gaar ahaan bahweynta Naasleyda. Waxayna caan ku tahay oo laga helaa deegaanada qabawga ah ee kuyaala qaaradaha Aasiya, Yurub, Koonfurta iyo Waqooyiga qaaradaha Ameerika. Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqaannaa (Bear), Carabidana (ﺩُﺏّ). Afka Soomaaligana waxaa loogu yeedhaa Madax kuti ama Buti. Cimriga xayawaankani waxa uu gaadhaa 20 sano, halka uu culayskiisuna gaadho 80 ilaa 600 kiiloo. Xayawaankani waxa uu leeyahay 37 hiddo-side iyo 42 ilkood. Sidka noolahani waxa uu gaadhaa 195 ilaa 270 maalmood, kaas oo halkii mar dhala 2 ilaa 4 ilmood, kuwaas oo ku qaaangaadha 3 ilaa 7 sano. Xayawaankani waxa uu ku jira xayawaannada cuna hilibka iyo waxyaabaha kasoo jeeda dhirta, gaar ahaan xiliyada cadceedu qabaw dahay. Saacadii waxa uu ordi karaa 48 kiiloomitir.
Guud ahaan noocyada madaxkutida ee aduunka kunool waxaa looqaybiyaa sideed nooc. Madax kutidu waxay kamid tahay xayawaannada dad cunka ah (Man-eaters), iyo kuwa quuta xayawaannada kale ee dhintay ama bakhtiga (Scavengers). Noolahani waxay leedahay dareen ureed oo aad u sareeeya iyo maqal aad u xoogan, waana xayawaannada aad u difaacda haddii dhashooda lasoo weeraro, Xiliyada jilaalkii markay cuntadu gabaabsi noqoto waxa uu galaa xaalad isa suulin ah. Xayawaankan waxay aad isugu dhaw yihiin oo ay wax iska dhali karaan xayawaan looyiqaano (Panda), oo laga helo koonfur galbeed dalka shiinaha. Dadka qaarkood ayaa aaminsan inuu xayawaankani berigii hore dhulka soomaalida kunoolaan jiray oo uu dadka cuni jiray, waxaana dhici kartaa inay gumaysatayaashii dhulka soomaalida haystay ay keeneen dhawr xabo, kuwaas oo markii danbe dadka dhibaateeyay. Sida uu sheegay ururka caalimiga ah ee midawga ilaalinta waxyaabaha dabiiciga ah (IUCN), waxa uu cadeeyay in ay madaxkutidu kamid tahay xayawaannada laga baqaayo inay dabar go’aan.
Mayeedhaan Magazine.
dribraahimm@gmail.com.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles