Hoggaanka Xisbiyada JSL iyo Weftiga Maraykanka ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee mandaqadda Geeska Afrika, Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ee dhanka horumarka, dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka.
Kulanka oo ay markii dambe isku kaliyaysteen xisbiyada Mucaaradka iyo Weftiga dalka Maraykanka ayaa si qoto dheer loogaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka ee xilligan Somaliland ka taaggan iyo sidii loo dardar gelin lahaa horusocodsiinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.
Kulanka waxa Xisbiga WADDANI uga qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiye Xigeen Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good, xoghayaha Abaabulka iyo wacyigelinta Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire, Xoghayaha Maaliyadda Mudane Axmed Xirsi Ducaale, Marwo Sucaad Carmiye iyo masuuliyiin kale.
wargeyska Waaberi.