Isniin, (Hargeysa 20-12-2021)-Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maalmahan khilaaf soo kale dhexgalay. Waxaa laysku maandhaafay Xeerka Furista Axsaabta Siyaasadda Xeer number 14/2021.
Xeerkan ayaa looga danleeyahay in la qabto Ururo siyaasadeed oo ay ka soo dhex baxaan saddex xisbi Qaran oo majaraha u qaban doona siyaasadda Jamhuuriyadda.
Xeerkan cusub ayaa haddii uu meel maro waxa uu galaafan doonaa qaar kamid xisbiyaa Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid midkood.
Furista Ururada ayaa dastuurka Jamhuuriyadda Soomaliland jideeyey in tobankii sanaba hal mar la furo ururada.




