Hargeisa
broken clouds
19 ° C
19 °
19 °
67 %
8.3kmh
69 %
Fri
23 °
Sat
24 °
Sun
24 °
Mon
24 °
Tue
22 °
spot_img
Friday, January 21, 2022

Musharax Madaxweynaha Somaliland Cirro oo u dhoofay Ethiopia

Guddoomiyaha mucaaradka ugu weyn ee Somaliland Mudane...

Nuxurka Go’aamo ka Soo Baxay Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Maanta

Fadhigii 86aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland...

Jaamacada Edna Adan oo Munaasibad u Qabatay Dhakhaatiir Dhamaysatay Waxbarashada Heerka labaad.

Wararka CaalamkaJaamacada Edna Adan oo Munaasibad u Qabatay Dhakhaatiir Dhamaysatay Waxbarashada Heerka labaad.

(Arbaca, 13-01-2021)-Jaamacadda Adna Aden ayaa waxaa maanta ay xaflad sagootina u qabatay 8 dhakhar oo dhammaystay heerka labaad ee caafimaadka. Jaamacadda Adna Aden ayaa ah Jaamacad bixisa qaybaha caafimaadka.

Dhaatiirtan ayaa dhammaystay qaybta dumarka iyo dhalmada oo sanadkiiba hal mar ay bixiso jaamacaddu. Waana dufcaddii 4-aad.

“Waa tobabar ay waajib inagu tahay in aynu cid walba barno”, ayay tidhi Drs. Adna Adan iyada oo ka hadlaysa ahmiyadda koorsadan ay dhammaysteen dhakhaatiirtani.

Jaamacadda sanad walba waxay soo saartaa boqolaal dhakhaatiira oo isugu jira Kalkaalisooyin, umulisooyin iyo shaybaadhiistayaal iyo dhakhaatiirta xanuunada guud iyo ilkaha.

Jaamacaddan waxaa aasaasay  wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Drs. Adna Aden Ismaciil.

jaamacaddani waxa ay leedahay hospitalka aadka u qalabaysan ee Adna Aden Hospital.

jaamacaddani waxa ay bixisaa qaybaha caafimaadka dhammaantood sida qaybta kalkaalisada, qaybta umulisooyinka, qaybta shaybaadhka, qaybta ilkaha, qaybta xanuunada guud, qaybta nafaqada, qaybta xakamaynta xanuunada faafa, qaybta daawooyinka iyo daawaynta iyo koorsooyin gaagaaban oo muddo kooban socda.

Jaamacadda Maanta waxaa ka qalinjebisay koox dhakhaatiira oodhammaysatay takhasusyo kale duwan, kuna diyaariyey shahaadada heerka abaad-post graduate in medicine.

Qalinjebintan waxaa ka soo qayb galay Drs. Adna aadan Ismaaciil, wasiirka caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, qaar ka mid guddida tacliinta sare, qaybaha kale duwan ee bulshada si ay markhaati uga noqdaan dhakhaatiirtan cusub ee u soo qalinjebiyey shacabka Somaliland.

“Dhakhaatiirtani waxay soo qaatee tobabar aan joogsi lahayn mudadaas sanadka ahayd’, ayuu yidhi hormuudka qaybta master-ta ee Medicine-ta, Dr. Shaafici.

 

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles