Hargeisa
few clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
80 %
0.8kmh
18 %
Mon
28 °
Tue
29 °
Wed
28 °
Thu
24 °
Fri
20 °
spot_img
Monday, December 15, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedHooyo Ubadkeedii Dayaceen, Tabaalo Aduuna Haysto. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Hooyo Ubadkeedii Dayaceen, Tabaalo Aduuna Haysto. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Waa hooyo oo aan haysan xarun caafimaad oo daryeesha lana socota caafimaadkeeda heerka uu maraayo xilli kasta oo ay marayso in tay ka ummulayso. Waxay u dayacantahay dhammaan xanuun dhaliyayaasha degaanteeda ku nool, waxay u dayacantahay dhiig la`aan la soo derista xilliga uurka iyo wakhtiga dhalmada, waxay u dayacanatahay inay qaaddo xanuunada lay sugu gudbiyo agabka dhalmada ee aan nadiifsanayn. Waxay u dayacantahay inay ku dhacdo nafaqo darro kaga timaada cunto xumo xilliga dhalmada iyo naas muujinta. Ma haysto deegaankeedu dawlad u jajaban oo baahiyaheeda daboolaysa, ma haysato dawlad ka faalo qaadaysa korinta madaxda berri ee ay soo ababinayso.
Waxa ay ku nooshay deegaan omos iyo biyo la`aan ah, hanfi iyo qaac jiilaal ka dhacaayo. Waxay ku nooshay degaan biyaha ay dhuuniga marinayso laga soo dhaaminaayo geel daaq, waa meel halaagan oo tuurta hooyada iyo hablaheeda gaadiid laga dhigto. Waa meel ay rafaad iyo dhib joogto ahi ka soo gaadhayaan, maankeedu waa dhawacanyahay oo soo kabasho iyo bogsiino toona ma sugayso, xubnaheedu daal iyo rafaad awgeeed duxdii baa ka dhammatay oo oo sida biraha taxalaystay ayey is xoqayaan.
Xaqeedii ay dawladnimadan ku lahayd qabiil baa qaatay, cashuurtii carruurteeda laga qaaday siyaasi baa ku takri falay, ubadkay soo korinaysay siyaasi bay waardiye u yihiin, ubadkii hablaheedu ku feedho go`een is ciil kaambi iyo niyad jab bay haadaamaha badaha isugu tureen. Waa dhaxal godobaysan oo laga galay hooyo, waa gef aan ka saamixid lahayn oo loo gaystay hooyo geyigan cammirtay.
Sadam Osman Kaabash.
Hargeysa, Somaliland.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles