
Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID Iyo Waddani ayaa soo gabogabeeyay Shirarkii Magaaladda Nairobi kula yeesheen xubnaha Beesha caalamka ee taageerta Dimuqraadiyadda Somaliland .
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka Hadlay ayaa yidhi
“Waxaanu soo gebogebaynnay maalintii saddexaad ee kulamadii Xisbiyada mucaaradku ay lalahaayeen waddamada Somaliland saaxiibbada la ah ama ka caawiya Doorashooyinka iyo mucaawinooyinka kala duwan ee xagga horumarka iyo bini-aadamnimada.
Waxaannu maanta kulamo la qaadannay Safaaradaha Norway, Germany iyo Maraykanka ee Nairobi. Dhammaan kulamadaasi waxay noogu dhammaadeen guul.
Danta Somaliland ayaa inoo ballan ah.