Axad, (19-12-2021) TPLF oo ka faa’idaysanaysa qaraarkii shalay ay ku meel mariyeen golaha xaquuqul insaanka qaramada midoobay in la fara galiyo(baaro) ethiopia ayaa warqad u dirtay gollaha.
Hogaamiyaha kooxda ayaa sheegay in gabood falo ka dhan ah aadanaha loo gaystay dadka ka soo jeeda qawmiyadaasi Tigrey 13-kii bilood ee uu socday dagaalku.
Wuxuu xusay in kufsi,Dil wadareed,dhac,boob iyo barakicinba la isugu daray dadka ka soo jeeda qawmiyadda Tigrey loona baahanyahay in talaabadii ku habooneed laga qaado xukuumada Abiye.
Wuxuu ku eedeeyay dalalka Turkiga,Iran iyo Imaaraadka inay dayuuraddaha wax gumaada ku caawiyeen ethiopia sababna u noqotay inay ciidamada ethiopia geestaan xasuuqyo aan loo meel dayin.
TPLF oo doorkaan u muuqata inay ka sii huleelayaan goobihii ay horay u qabsadeen gorgortana ku galaya deegaaankooda ayaa hada u weecday dhanka warbaahinta iyagoo iska daba diraya warqado codsi oo ay u diryaan Caalamka(Reer Galbeedka).