Hargeisa
scattered clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
67 %
1.3kmh
29 %
Mon
28 °
Tue
29 °
Wed
28 °
Thu
24 °
Fri
24 °
spot_img
Monday, December 15, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
City Hall NewsHargeysa: Dhakhaatiir Qaliin Ku Samaysay Waxar Yar oo Uu Baabuur Jiidhay.

Hargeysa: Dhakhaatiir Qaliin Ku Samaysay Waxar Yar oo Uu Baabuur Jiidhay.

Mustafe Maxamed Nuur Mustafe Dheereeye oo ka mid ah suxufiyiinta waayo-aragga ah ee muddada dheer ku soo dhex jiray bahda saxaafadda Somaliland, isla markaana xiligan ka mid ah saraakiisha sare ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa facebook-giisa ku faafiyey waxar yar oo dhaawac xun ka soo gaadhay baabuur ku jiidhay dalcadda waddada xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa, iyadoo baabuurkii waxartaas yar jiidhayna uu baxsaday.
Sawirrada uu Mustafe Dheereeye ka qaaday waxarta yar ayaa ahaa qaar naxdin iyo argagax xambaarsan, iyadoo baabuurku waxartaas yar ka jiidhay lugta dambe oo jabniin iyo burbur xooggan soo gaadhay, balse markii sawirradaasi ku dhex faafeen baraha bulshada, waxa ka soo jawaabtay Jaamacadda Golis, qaybteeda daawaynta xoolaha (Veterinary medicine), iyadoo waxartaasna la geeyey xarunta Jaamacadda ee Caasimadda Hargeysa, waxayna dhakhaatiirta xoolaha oo dhallinyaro ahaa ay ku guulaysteen inay daawayn iyo kabniin ku sameeyaan waxtarta yar ee baabuurku jiidhay.
Dhacdadani waxay muujinaysaa sida ay dadka bani’aadamka ah ee Ilaahay wada abuuray ay u kala naxariis badan yihiin, una kala dammiir fiican yihiin, waxaanna cad in Mustafe Dheereeye iyo dhakhaatiirta xoolaha ee Jaamacadda Golis ay dammiir ahaan iyo naxariis ahaanba kaga fiican yihiin dirawalkii waday baabuurka waxarta yar jiidhay, kadibna baxsaday. Qofka naflay Ilaahay abuuray inta uu jiidhay haddana isku qanciyey inuu baxsado waa ruux aannu dammiirkiisu noolayn, iyadoo aanay jirin sabab cuddur-daar u noqon karta inuu baxsado.
Mar labaad waxa aan leeyahay hambalyo Mustafe Dheereye iyo Jaamacadda Golis, wax fiican ayaad qabeen, waxaanan Ilaahay idiinka baryayaa inuu idinka abaal-mariyo oo miisaanka xasanaadka idiinku daro. aammiin..aammin.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles