Hargeisa
few clouds
24.2 ° C
24.2 °
24.2 °
33 %
4.1kmh
18 %
Sat
26 °
Sun
25 °
Mon
24 °
Tue
25 °
Wed
26 °
spot_img
Saturday, December 6, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedHalkay ku Danbaysay Waddada Afarta Haad ee Madaxtooyadu dhisaysay?

Halkay ku Danbaysay Waddada Afarta Haad ee Madaxtooyadu dhisaysay?

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa hore u dhagax dhigay waddo uu ku sheegay in ay tahay afar haad, dhexmarina doonta Magaalada Hargeysa iyada oo ka soo bilaabmaysa Hotel Guuleed.

Wadadan waxaa la bilaabay bilo ka hor welina way socotaa. Waxa laga qabtayna  waxay ubadanyihiin uun ballaadhin, dhigista carro tuul iyo bannaynta hareeraheeda.

Hadaba waddadan oo maanta samaynteeda uu booqday agaasimaha guud Maxamed Cali Bile ayaa si habsamiya u socota. Iyada  la dhigaayey daamur cusub.

“Wax la duminayaa ma jiraan laakiin wixii gidaara, ama kaabad oo kale la dhigay iyo wixii suurogal ah waa la samaynayaa”, ayuu yidhi agaasime Maxamed Cali Bile.

 

Dhismaha wadadan waxaa qarashkeeda bixinaaya madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.

“Kollay wadadu waa muhiim, quruxda iyo isu socodka magaalada ayay hagaajinaysaa” ayuu yidhi isaga oo la hadlaaya agaasime Bile Tv-ga MM Somali TV.

Guud ahaan waxaa wadanka ka socda mahaariic horumarineed gaar ahaaan waddooyinka. Mashaariicdaas waxaa ugu ballaadhan wadada isku xidha Magaalo ganacsiyeedka Berbera iyo Caasimadda Hargeysa. Wadadan Berbera Corridor waa wadada ugu casrisan ee Somaliland dhisaty shanti sano ee ugu dannbaysay. Sidoo Klae, Magaalada Hargeysa gudaheeda waxaa ka socda waddooyin badan oo ay fulinayso Dawladda Hoose.

 

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles