(Axad, 09-01-2022)-Magaalada Hargeysa waxaa ka shaqeeya baabuurta yaryar ee loo yaqaano tagaasida. Gaadiidkan yaryar ayaa door muhiima kaga jira isu socodka dadweynaha ee magaalada. Waxaa magaalada Hargeysa laga isticmaalaa habka Online-ka ah oo lagu dalban karo adeegga baabuurta yaryar, waxaa ugu horreeya labada shirkada kood ee kala ah Dhaweeye iyo Sahal.
berigii hore dadweynuhu waxa ay raci jireen gaadiidka dadweynaha ee basasku ay kamidka yihii. Waxaa iyana jiray baabuur yaryar oo loo adeegsan jiray tagaasi ahaan, walaw aanay dadka in badani raaci jiray laba sababaood awgeed: dadka oo aan baranin raacista tagaasida maadaama ay helayaan basas goor walba shaqeeya, iyo qiimaha xilligaas lagu raaci jiray tagaasida oo qaali ahaa,
haddaba waxaa beryahan soo baxay adeegyada casriga ee la jaanqaadaya tiknoolajiyadda casriga, kuwaaas oo laga dalban internetka ama hab online ah. tagaasidan yaryari wxy adeega ay bixinayaan kale kulmaan caqabado badan oo ka soo waajaha bulshada ay u shaqaynayaan.




