Hargeisa
few clouds
24.2 ° C
24.2 °
24.2 °
33 %
4.1kmh
18 %
Sat
26 °
Sun
25 °
Mon
24 °
Tue
25 °
Wed
26 °
spot_img
Saturday, December 6, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedFASIRAADA QAAR KAMID AH RIYOOYINKA

FASIRAADA QAAR KAMID AH RIYOOYINKA

1- Haddii aad ku riyooto adigoo dhimanaaya ama dhintay , ogow in cimrigaagu dheeraan doono.
2- Haddii aad ku riyooto adigoo cunaya malab cad, waxay caddeyn u tahay inaad ka caafimaadi doonto xanuun aad qabtay.
3- Haddii aad ku riyooto adigoo qof ka cararaaya, ogow inuu jiro qof kaa maseyrsan ama raba inuu ku hagardaamiyo.
4- Haddii aad soo toosto adigoo weli riyadii xalay xusuusan ama aad maalintoo dhan riyadii xusuusan tahay, waxay caddeynaysaa in riyadaasi aysan aheyn riyo caadi ah ee ay tahay fariin adiga kugu socota.
5- Adigoo faras saaran haddii aad ku riyootid waxay caddeynaysaa inaad Hanti badan heli doontid, ama aad safar geli doontid.
6- Haddii aad ku riyooto adigoo duulaya, waxay caddeynaysaa inaad dhibaatooyin ku haysta ay kaa fududaan doonaanØŒ ama waxay noqon kartaa inaad hoggaan iyo mas’uuliyad qaadi doonto.
7- Haddii aad ku riyooto mas ogow inuu jiro qof raba inuu dhibaato ku gaarsiiyo.
8- Haddii aad ku riyooto qof aad taqaano oo dhintay, waxay caddeynsaa inaad qofkaas is khilaafi doontaan ama aad kala fogaan doontaan.
9-Haddii aad ku riyooto abeeso, dib qalooc, Ey, Doofaar, Daanyeer, Musqul, Nijaaso, badanaa waxay sheegaan in qofka la sixray.
10 – Haddii aad hal riyo dhowr habeen aragto oo ay kugu soo laalaabato, ogow in arinka aad ku riyootay uu yahay arin muhiim ah, oo la rabo inaad fariintaa fahamto.
F.G: Haddii aad riyooto, waxa aad ku riyootay hadday yihiin wax xun riyadaas cidna ha u sheegin sheydaankana iska naar, haddii aad ku riyooto wax fiican riyadaada waxaad u geysaa qof Cilmi u leh fasiraadda riyooyinka oo aad ku kalsoon tahay.
Fasirka riyooyinkan waxaan ka soo guuriyey kitaab uu qoray Ibnu siiriin oo ah Caalim ku takhasusay fasiraadda riyooyinka.
~Mustaf Awil Hassan
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles