Dowlada Ingiriiska ayaa Lizzie Walker, usoo magacowday in ay noqoto wakiilka cusub ee dowlada UK u fadhiyi doona xafiiska Hargaysa ee Somaliland, iyadoo badalaysa Staurt Brown. ” aad & aad baan ugu faraxsanahay in aan xafiiska Hargeysa kala wareego Stuart Brown” ayey ku tiri Twitter ay qortay markii ay timid Hargeysa.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, DR Ciise Maxamuud Kayd, ayaa marwo Walker kusoo dhaweeyay magaalada Hargaysa, isla markaana Walker ayaa dhankeeda wasiir Kayd uga mahadcelisay soo dhawaynta.
Walker ayaa horay usoo noqotay madaxa Badhtamaha Afrika ee Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Dowlada Ingiriiska.