Hargeisa
broken clouds
14.2 ° C
14.2 °
14.2 °
85 %
3.6kmh
80 %
Mon
24 °
Tue
22 °
Wed
23 °
Thu
23 °
Fri
22 °
spot_img
Monday, January 24, 2022

Doodda Sharci ee Soo Celinta Xeer Lr. 14/2011 Qalinkii: Garyaqaan Ibrahim Khadar Siciid

UncategorizedDoodda Sharci ee Soo Celinta Xeer Lr. 14/2011 Qalinkii: Garyaqaan Ibrahim Khadar Siciid
Doodda Sharci ee ka taagan Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda (Xeer lr. 14/2011) waxa waa laba:
1. Doodda 1aad waxa ay taabanaysaa Qodobka 77aad ee Dastuurka ee ka tilmaama habka loo raacayo Xeer-dejinta, gaar ahaan muddada Madaxweynuhu kaga jawaabayo (saxeexayo/soo celinaayo) mashruuc sharci oo golayaasha sharci-dejintu u gudbiyeen. Farqada 5aad ee qodobkan waxa ay si toos ah u caddaynaysaa:
– Madaxweynuhu mashruuc-sharci looga soo gudbiyey Baarlamaanka, wuxuu ku saxeexayaa saddex toddobaad (21 maalmood} gudahood, laga bilaabo taariikhda mashruucaas-sharci soo gaadhay xafiiska Madaxweynaha haddii aanu Baarlamaanka dib ugu soo celin.
Ka waran bal haddii Madaxweynuhu muddada saddexda toddobaad ah (21 maalmood) kaga soi jawaabi waayo?
Farqada 6aad ee isla qodobkan waxa ay ka jawaabaysaa arrintaa, waxaanay dhigaysaa
– Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku saxeexi waayo muddadaas la gooyey ama ku soo celin waayo Baarlamaanka, mashruuc~sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa xeer; waxaana soo saaraya Golaha soo gudbiya.
Su’aasha taagan baa ah haddii Xildhibbaannadii hore meesha ka baxeen, iyadoo muddadii aanay dhammayn. Tusaale ahaan, 20-kii baa muddo xileedkoodii dhammaaday, doorashadiina la codeeyey, xubnihii soo naxayna dhaartii xalaalaynta lama marin, Madaxweynuhu yuu u gudbinayaa?
Waxa dood maangal ah, balse Golaha Barlamaanka ee ka kooban labada aqal ma xildhibaannada uun baa, mise goluhu waa hay’ad haykalka Qarannimo ka mid ah oo aan baabi’in haddii xubnaha metelaadu meesha ka baxo? Haddii Xoghayaha amma Gole ahaan hawlihii socday loo sii gudbiyo, xubnaha yimid ma in ay shaqadii socotay halkaa ka sii wadaan baa mise waa in hawl kasta barbilaw cusub ka bilaabaan baa?
Haddii arrintan loo raacayo tafsiirka-xaraf raacaha ah ee Qodobka 39aad ee qeexa tilmaanta guud ee golaha oo dhigaysa; “Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakil ah dadweynaha; waana Qaybta 2aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.”
Iyo haddii tafsiirka ballaadhan la saarayo oo shaqaalaha, qaab-dhismeedka qaran iyo waxyaabaha golaha qeexidiisa ka ratib maayana waa mid taal.
2. Dooda la baad waa mid farsamo ah oo Golaha Wakiillada u taal. In xeer duuduub lagu andixiyo iyo qodobada la soo codsaday wax-ka-beddelkooda laga doodo amma dood ba la geliyo mashruuca sharci. Akhronqodobada 34aad, 40aad iyo 41aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Garyaqaan Ibrahim Khadar Siciid
<img class=”j1lvzwm4″ role=”presentation” src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles