Hargeisa
scattered clouds
24.7 ° C
24.7 °
24.7 °
44 %
7.8kmh
25 %
Fri
22 °
Sat
28 °
Sun
30 °
Mon
28 °
Tue
27 °
spot_img
Friday, March 6, 2026

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedDeg deg: Qaar Ka Mid ah Roodhiilayaasha Magaalada Hargeysa ayaa Xabsiga loo Taxaabay.

Deg deg: Qaar Ka Mid ah Roodhiilayaasha Magaalada Hargeysa ayaa Xabsiga loo Taxaabay.

Sida wararka ay ku helayso Hargeysa Herald waxaa xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah roodhiilayaasha magaalada Hargeysa.

Waxaa xalay saqdii dhexe  soo galay Baraha bulshada muuqaal laga duubay roodhiilayaal is dhaarsanaya.

Muuqaalkan waxaa aad uga qayliyey shacabka Somaliland, gaar ahaan, kuwa ku dhaqan magalada Hargeysa. muuqaalkan waxaa lagu arkaayey roodhiilayaal isku dhaarsanaaya in ay qaaliyeeyaan sicirka roodhida ay sameeyaan.

Muuqaalkan waxaa ka hadlay siyaasiyiin badan iyo qaar ka mid ah xildhibaanaa golaha wakiilada.

“Laxooxdiina ku guraacda oo awoodiina muujiya” ayaa ay xildhibaanaa Golaha wakiiladu soo jeediyeen iyagoo warbaahinta la hadlaaya.

Halka qaar kamid xildhibaanadu si jilicsan uga hadleen muuqaalkan is-dhaarsiga ah ee ay roodhiilayaashu ku heshiinayeen si ay u kiciyaan sicirka roodhida.

“Maciishad kacday oo laga qaylinaayo ma arkaayo” xildhibaan Khaar Guun.

“Hadii aan tallaabo laga qaadin waxa ay horseedi doontaa  in dhammaan ganacsatadu u tashato danyarta” xildhibaan cali qaran oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa bartiisa facebook ku qoray.

Sida aan wararka ku helayno qaar kamid ganacsatada roodhiilayaasha ayaa haddeer qaar ka mid loo taxaabay saldhigyada booliiska. Sababta loo aanaynayaana waa muuqaalkii ay isku dhaarsanayeen ee ay xalay goor danbe soo baahiyeen, dadkuna maanta aad uga qayliyeen.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles