
Maxamed Cumar Carte waxa Lagu xidhay Baasaaboorka Diblomaasiga ah Ee Soomaaliya?
Ra’isal Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa lagu hakiyay, Laguna xidhay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa.
Siyaasigan ayaa Lagu Waraystay, ka dibna lagu xidhay Saldhig ku yaala Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa, ka dib markii sida la sheegay uu kaga soo degay Baasaaboorka Diblomaasiga ah ee Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliland ayaan ogolayn in dalka Lagu Soo Galo Baasaaboorka Diblomaasiga ah Soomaaliya.