Hargeisa
few clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
80 %
0.8kmh
18 %
Mon
28 °
Tue
29 °
Wed
28 °
Thu
24 °
Fri
20 °
spot_img
Monday, December 15, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
HARGEYSAAWI | City PagesDeg Deg: Darawalada Tagaasida Magaalada Hargeysa oo Sameeyey Mudaaharaad!

Deg Deg: Darawalada Tagaasida Magaalada Hargeysa oo Sameeyey Mudaaharaad!

Tagaasida magaalada Hargeysa ayaa caaawa sameeyey mudaaharaad. Maalmahan ba waxaa taagnaa muran u dhaxeeya dawladda hoose iyo tagaasida. Murankan oo ka dhashay tagaasida oo dawladdda hoose ku soo rogtay casuur dheeraaada.

Caawa waxaa taagasidu sameeyeen isu soo bax iyaga oo la arkaayey boqolaal tagaasiya oo is-daba socda, siidhigana garaacaaya, cabashana ka muujinaaya dawladda hoose.

“Maayar! Ma waxaaad ku olololaysay oo aad ku hawlgashay oo aad dadka u sheegtay in aad danyarta wax u qabanayso” ayuu yidhi mid kamid tagsiilayaasha mudaaharaadayaa.

 

Tagaasida oo awal hore laga qaadi jiray 60,000 kun oo sh Somaliland ah sanadkii ayaa dawladda hoose soo rogtay lacag cashuura oodhan 180,000.

Dawladda hoose waxay u qabatay in ay afar cisho gudahood ku bixiyaan, taasina waxay keentay in caawa ay tagsiilayaashu mudaaharaadaan.

Maalmahan waxaan ku hawlanayn inaan la kulano Maayarka, noo may suurto gelin ayuu yidhi mid ka mid ah mudaaharaadayaashu. “Maayarku waxa uu noo ballan qaaday in aanay cidna naga celinayn”, ayuu sii raaciyey

Ugu danbayntii, waxaa taagan muran ballaadhan oo u dheexeya tagaasida iyo dawladda hoose oo ka dhan cashuurta lagu soo rogay.

 

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles