Tagaasida magaalada Hargeysa ayaa caaawa sameeyey mudaaharaad. Maalmahan ba waxaa taagnaa muran u dhaxeeya dawladda hoose iyo tagaasida. Murankan oo ka dhashay tagaasida oo dawladdda hoose ku soo rogtay casuur dheeraaada.
Caawa waxaa taagasidu sameeyeen isu soo bax iyaga oo la arkaayey boqolaal tagaasiya oo is-daba socda, siidhigana garaacaaya, cabashana ka muujinaaya dawladda hoose.
“Maayar! Ma waxaaad ku olololaysay oo aad ku hawlgashay oo aad dadka u sheegtay in aad danyarta wax u qabanayso” ayuu yidhi mid kamid tagsiilayaasha mudaaharaadayaa.
Tagaasida oo awal hore laga qaadi jiray 60,000 kun oo sh Somaliland ah sanadkii ayaa dawladda hoose soo rogtay lacag cashuura oodhan 180,000.
Dawladda hoose waxay u qabatay in ay afar cisho gudahood ku bixiyaan, taasina waxay keentay in caawa ay tagsiilayaashu mudaaharaadaan.
Maalmahan waxaan ku hawlanayn inaan la kulano Maayarka, noo may suurto gelin ayuu yidhi mid ka mid ah mudaaharaadayaashu. “Maayarku waxa uu noo ballan qaaday in aanay cidna naga celinayn”, ayuu sii raaciyey
Ugu danbayntii, waxaa taagan muran ballaadhan oo u dheexeya tagaasida iyo dawladda hoose oo ka dhan cashuurta lagu soo rogay.