Hargeisa
few clouds
24.2 ° C
24.2 °
24.2 °
33 %
4.1kmh
18 %
Sat
26 °
Sun
25 °
Mon
24 °
Tue
25 °
Wed
26 °
spot_img
Saturday, December 6, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedDad Sameeya Lacagta Madaw oo ay Qabteeen Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xeebaha JSL.

Dad Sameeya Lacagta Madaw oo ay Qabteeen Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xeebaha JSL.

Taliyaha Ciidanka Socdaalka iyo ilaalada Xuduudaha Jamhuuriyadda Somalialnd  Maxamed Cisman Caalin waxa uu yidhi, “Saddexaas nin waa saddex nin oo eedaysanayaal ah, oo ajaanib ah, jinsiyadahoodana waan haynaa. Nimankaa waxaa lagu soo qabtay qalab laga sameeyo lacagaha ay dawladuhu isticmaalaan”.

Taliyaha Ciidanku  waxa uu warbaahinta u soo bandhigay qalabka ay siteen nimanka eedaysanayaasha ah. Qalabkan oo taliyuhu ku sheegay qalabka laga sameeyo lacagaha madaw.

“Hawl badan iyo tamar badan oo la geliyey awgeed ayay ku suurogashay in eedaysanyaashaas soo galaan gacanta Ciidanka socdaalka”, ayuu sii raaciyey Taliyuhu.

Waxaa jira boqolaal qof oo ku nool Magaalada Hargeysa kuwaas oo ka shaqaysta hawlaha foojariga sida kuwa lacagta madaw sameeya, kuwa shahaadooyinka jaamacadaha sameeya iyo qaar doollarka ka jabsada dadka Zaadka istcmaala. Dhowaan ayay ahayd markii Shirkadda TELESOM ogaatay in ay jiraan budhcad lacagta ZAAD-da ah kala baxa moobilada shacabka iyaga oo isticmaalay farsamooyin cusub. Waxaanay shirkaddu soo kordhisay hab cusub oo lagu geli doono hannaankii ZAAD diridda.

Ugu danbayntii Bishii Ina dhaaftay ee Noofeembar waxaa ciidanka socdaalku qabteen niman Nayjeeriyaan ah oo iyagana lagu soo qabtay qalabka been abuurka ah ee lacagaha lagu sameeyo.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles