
sida Ay Baahisay Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Somaliland.
Dalxiisayaal gaadhayay 15 oo saarnaa Bas ayuu baskii kaga ciladoobay duleedka galbeed ee magaalada Berbera , iyagoo ilaa shalay ilaa xalay ku sugnaa goobtaas, waxaanay soo dalbadeen lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dab-demiska 990.
Intaa kadib ciidamada Dab-demiska Berbera ayaa gurmad u fidiyay, waxaanay gaadhigaa iyo rakaabkii saarnaa gaadhsiiyeen magaalada Berbera. Sidoo kale ciidanka ayaa biyo iyo sahay kale u sii qaaday goobtaasna ugu geeyay.
Ciidanka Dab-demiska ayaa had iyo goor ka hawlgalada gurmad kasta oo u baahan samatabixin iyo badbaadin.