
Dab Qabsaday Guri Kuyaala Degmada Ibraahim Koodbuur oo Ciidanka Dabdamisku u Gurmadeen.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa, waxaana ciidamaduka badbaadiyeen guryo kale oo daara ,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.
Ciidanka Booliska degmada IbraahimKoodbuur, maamulka dawlada hoose ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL iyo DHH si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.