Guddoomiyaha mucaaradka ugu weyn ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilahi Cirro ayaa u ambabaxay dalka Ethiopia ka dib mark u casuumad rasmi ah ka helay Raisal Wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed.
Lama oga ujeedada safarkiisa, laakiin waxuu ku soo beegmayaa maalin ka hor markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka soo noqday dalkaasi Ethiopia, halkaasi oo uu kala kulmay madaxa dalkaasi Aby Ahmed.