Hargeisa
broken clouds
15.7 ° C
15.7 °
15.7 °
94 %
4.2kmh
79 %
Tue
25 °
Wed
28 °
Thu
27 °
Fri
26 °
Sat
21 °
spot_img
Monday, December 8, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
OpinionBeelaha Darafyada: Waa Kala Laba SNM iyo Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

Beelaha Darafyada: Waa Kala Laba SNM iyo Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

Shan madaxweyne oo Soomaalilaan soo maray saddex ka mid ahi waxa ay ahaayeen madaxdii ama saraakiishii SNM, markaa aqlabiyadda madaxweyneyaashii Soomaalilaan waa SNM. Wixii ka dambeeyey doorashadii 2010 kursiga loogu dhiibay madaxweynihii hore ee Axmed Sillaanyo, waxa soo badanayey siyaasiyiin iyo shakhsiyaad ka soo jeeda beelaha darafyada oo gef aanay galabsan kula kacayey SNM.
Waxa ay isku ladhayeen cabashada ay ka qabaan maamulka markaa jiray iyo SNM oo aan shuqul isku lahayn. Waaqac ahaan beelaha darafyada iyo beesha dhexe wax ay wada leeyihiin Soomaalilaan, way se kala leeyihiin SNM. Waxa aanu shaki ku jirin in beesha dhexe uu taliskii MSBarre ku laynayey SNM awgeed. Si hayb ah ayey ciidankii milatariga Siyaad Barre u xasuuqi jireen dadka ka soo jeeda beesha dhexe, halkaasi markaad ka qiyaas qaadatidna beeshe dhexe waxa ay hiil iyo hooba la garab taagnayn jabhadii SNM.
Beelaha darafyadu waxa ay la dhacsanayeen taliskii MSBarre oo ay taageero buuxda la garab taagnaayeen, taasina waxa ay keentay inay kala fogaadaan beelaha darafyada iyo beesha dhexe. SNM waxa ay la dagaalamaysay xukunkii MSBarre, waxba se kama jiraan aragtida odhanaysa inay SNM la dagaalmaysay beelaha darafyada ee Soomaalilaan. Waxa is-hayey ciidamadii SNM iyo milatarigii MSBarre oo goob kasta uu dagaal ku dhexmari jiray.
Dad ka tirsan beelaha darafyadu waxa ay aaminsan yihiin in taliskii MSBarre uu iyaga u roonaa ama uu reerkooda ahaa sidaasi darteedna SNM ay ka burburisay xukun ay ku qancsanayeen ama naasjuujin jiray, markaana ay SNM ku soo duushay danahoodii oo ay sidaasi u liqi la’yihiin halgankii SNM. Markii ay SNM ka adkaatay taliskii MSBarre ee ay gacanta ku dhigtay dhammaan dhulkii Soomaalilaan-ta maanta, waxa ay cafis u fiday dhammaan beelihii u cadaawada kala dhex-dhigay taliskii MSBarre, waxaana bilaabay shirarkii la isku keenayey beelaha Soomaalilaan si loo dhiso maamul ay u dhan yihiin.
Arrintaasina waxa ay muujinaysaa in aanay SNM la dagaalameyn beello. Taageerayaasha SNM ee beesha dhexana waxa ay ku doodayaan inay SNM xorraysay dhammaan Soomaaliya oo dhan maadaama oo ay xukunkii ka tuurtay hogaamiye xukunka xoog ku qabsaday oo aan ogoleyn inuu dalka qof kale madaxweyne ka noqdo. Wixii ka dambeeyey 1991 dhammaan madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya iyo Soomaalilaan waxa ay kursiga ku heleen fursadii ay SNM xukunka kaga tuurtay taliskii MSBarre. Haddii se aanu dhici lahayn xukunkii milatariga Siyaad Barre may dhacdeen inay dhammaantood madaxweyneyaal noqdaan.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles