Hadalkaan ayaa ka dambeyay sida wararku sheegayaan kadib markii gudiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo ee dalka Itoobiya mas’uuliyiin ka tirsan ay kulan ku yeesheen shalay magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, kulankaas oo lagaga hadlayay xaaladihii ugu dambeyay ee dalka gaarahaanna colaada u dhaxaysa dowladda federaalka iyo fallaagada TPLF ee waqooyiga. Sidoo kale mas’uuliyiinta Xisbiga Barwaaqo ayaa sheegay in hoggaanka Xisbigu ay diyaar u yihiin in dagaalka ay galaan oo ay qoryaha qaataan.
BBC.