Hargeisa
broken clouds
21.7 ° C
21.7 °
21.7 °
63 %
9.2kmh
61 %
Sat
30 °
Sun
32 °
Mon
33 °
Tue
31 °
Wed
30 °
spot_img
Saturday, September 13, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
DjiboutiMaxaa ka jira 'codka sirta ah' ee laga faafiyay madaxweynaha Jabuuti?

Maxaa ka jira ‘codka sirta ah’ ee laga faafiyay madaxweynaha Jabuuti?

~ Ilo wareedyo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa BBC u xaqiijiyey in la filayo in maxkamad la soo taagayo taliyaha booliska dalkaasi Korneel Cabdullaahi Cabdi oo maalmahan ku jiray xabsi guri.~

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daray in Korneel Cabdullaahi laga saaray xabsi gurigii uu maalmahanba ku jiray isla markaana hadda lagu hayo xabsiga Gabbood.

Inkastoo aanan si rasmi ah loo caddeyn sababta loo xiray, haddana waxaa jira warar sheegaya in korneelka loo xiray sir laga faafiyay qoyska madaxweynaha Jabuuti.

Balse ilaa iyo haatan waxaan kala caddeyn cidda bixisay amarka lagu xiray taliyahan.

Sidoo kale wararka ay BBC-da heshay ayaa sheegaya in sidoo kale uu weli xiran yahay wasiirkii hore ee miisaaniyadda ee dalkaasi Jabuuti Boode Axmed Rooble.

Mas’uuliyiin ka mid ah xukuumadda jamhuuriyadda Jabuuti oo aan isku daynay in aan arrintan wax ka weydiinno ayeysan noo suuragalin in aan helno.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan waxa lagu tilmaamay codad lagu baahiyay baraha bulshada oo ay ka dambeeyeen ‘kooxo’

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in arrintani ay ku lug leeyihiin saraakiil ay kamid yihiin taliyaha guud ee booliska Jabuuti iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda dalkaas.

“Ka dib markii la xaqiijiyay faafinta codad la duubay oo ay soo saareen kooxo dambiilayaal ah kaas oo lagu baahiyay baraha bulshada, waxaa durbadiiba la biilabay baaritaan ku aadan arrintaas”

“Baaritaankii ugu horreeyay ee la sameeyay waxaa caddaatay in arrintani ay ku lug leeyihiin agaasimaha guud ee booliska qaranka iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xeer ilaalinta Jabuuti

Dowladda waxay sidoo kale sheegtay in sharciga la horgeyn doono cid kasta oo si toos ah ama si dadban uga qeyb qaadatay faafinta codka sirta ah.

“Marka la eegay halista kiiskan, waxaa loo furay gal dacwadeed, waxaana looo dhiibay garsoore gaar ah, waxaana la xiray qaar kamid ah dadkii loo heystay dambigan halka xeer ilaalinta ay dabagal ku sameyneyso eedeysanayaal kale”

Xafiiska xeer ilaaliayha Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay inay go’aan kasoo saari doonaan dhacdadan isla markaana ay dadka la wadaagi doonaan halka wax ay marayaan.

Dowladda wax faahfaahin ah kama aysan bixin waxa uu ku saabsan yahay codka lagu baahiyay baraha bulshada ee loo xiray saraakiisha.

BBC

Image:LUDOVIC MARIN

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program to expand solar energy access in rural communities that remain disconnected from the national power grid. The Ministry of Energy and Mines announced that the first phase will provide solar systems to...

Sudan’s Ongoing Conflict Triggers New Wave of Refugees in Horn of Africa

The ongoing conflict in Sudan continues to fuel a humanitarian crisis, with thousands of civilians fleeing into neighboring countries in the Horn of Africa. Refugee camps in Ethiopia, South Sudan, and Chad are reporting a sharp increase in arrivals,...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities on its Red Sea coast, aiming to transform itself into a key trade hub in the Horn of Africa. The upgraded infrastructure includes modern cargo terminals and improved transport links designed to...

Check out other tags:

Most Popular Articles