
Musharrax xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa galabta safar degdeg ah ugu baxaya waddanka Ethiapia.
shalay uun bay ahayd markii Madaxweyne Biixi uu socdaal laba cisho qaatay kaga soo noqday Itoobiya isaga oo martiqaad rasmiya ka helay Raiisal wasaaraha Itoobiya.
Lama oga warar dheeraad ah oo ku saabsan safarka Cabdiraxmaan Cirro, ee Addis ababa balse socdaalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay madaxweyne Biixi, ka soo laabtay Addis-ababa oo uu kula kulmay Raysal Waasare Abiy Ahmed.
Ma cadda in Cabdiraxmaan Cirro, casuumad ka helay Abiy Ahmed oo uu la kulmi doono iyo in kale.
Raiisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Males sanaawi ayaa bilaabay in madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Madaxeynaha somalilan in uu martiqaado, martiqaadkan oo imaan jiray xilliyo isku xiga.
Doorashadii Madaxtinimada ee Somaliland, sanadkii 2017, markii uu Itoobiya xukumaayey Raiisal Wasaare Xayle-Maryam Desalin ayaa casuumay Guddoomiyayaashii iyo musharrixiintii madaxweyne ee Cbadiraxmaan Cabdillaahi Cirro, Muuse Biix Cabdi, iyo Faysal Cali Waraabe.