Hargeisa
broken clouds
21.7 ° C
21.7 °
21.7 °
63 %
9.2kmh
61 %
Sat
30 °
Sun
32 °
Mon
33 °
Tue
31 °
Wed
30 °
spot_img
Saturday, September 13, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
SomalilandHalkey ku dambeeyeen wadahadalladii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland?

Halkey ku dambeeyeen wadahadalladii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland?

Baarlamaanka UK ayaa yeeshay dood ku saabsan Ictiraafka Jamhuuriyadda Iskeed Madax Baaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Xildhibaanka doodda horkeenay baarlamaanka UK ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay ku mudan tahay Somaliland in la ictiraafo.

Isaga oo ku dooday in 30-kii sano ee ugu dambeysay ay Sooomalinad ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan.

Dhanka kale Dowladda UK ayaa caddeysay Mowqifkeeda ku aaddan Somaliland.

Wasiiro dowlaha UK u qaabilsan Yurub oo dhanka dowladda u hadlayay islamarkana ku sugnaa aqalka baarlamaanka ayaa dhankiisa su’aalo laga waydiiyay mowqifka dowladda ee ku wahajhan Somaaliland.

Chris Heaton-Harris ayaa sheegay in mowqifka UK uu yahay in ay dhiirigalinayaan in qaddiyadda Soomaaliland ay ka wadahadlaan madaxda Muqdisho iyo Hargeysa.”Mowqifka dowladda UK ay arrintan ka qabto wuxuu aha mid joogta ah waxna iskama badalin, waxaan muddo dheer dhiirragelineynay wadahadallad ay arrintan ka yeeshaan mas’uuliyiinta labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa xiriirka mustqbalka labada dhinac ka dhaxeyn karo, waana sidii wadeynaa inaan sidaa sameyn” ayuu yiri Mr Harris.

Dhanka kale Vicky Ford oo ah Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dwoladda Ingiriiska ayaa iyaduna ka hadashay doodda Aqoonsiga Somaliland waxaa ayna sheegtay in mowqifka UK ee ku wajahan uu yahay mid cad islamarkana ay dowladda federaalka iyo Somaaliland ay u taallo in mustaqbalkooda ay ka arrinsadaan .

Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor.

Tan iyo xilligaas waxay masuuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Waxaa jiray wadahadallo dhawr ah oo dhermaray labada dhinac oo ugu dambeeyay kii Jabuuti ka dhacay kaas oo aysan ka soo bixin natiijo wax ku ool ah.

Maxaa sababay in Soomaaliya iyo Somaliland ay dib isugu soo noqon waayaan ka dib wadahalladii Jabuuti?

Cabdi Maxamed Sabriye, oo soo noqdey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa yiri: Waxaan tuhmayaa in wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland horumar laga gaaro ay cusleeyeen siyaasadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.”

Wuxuu carabka ku dhuftey in wada hadalladii ugu danbeeyey markii lagu soo kala tagayey Jabuuti lagu balamey in la isku soo noqdo muddo laba toddobaad gudahood ah, oo cabashooyin jirey lasoo xaliyo.

Somaliland ayaa dooneysay in si guud deeqda loo wada siiyo Soomaaliya oo ay qeyb ka aheyd, iyada in saamigeeda gaar loogga dhigo mar waliba.

Sidoo kale, Somaliland ayaa dalbatey in maamulka hawada Soomaaliya labada qeybood iney wada maamulaan, iyo qodobka saddexaad oo la xiriirey amniga.

Waxaa lagu heshiiyey in saddexda qodob aynu soo xusney loo saaro saddex guddi farsamo oo soo diyaariya, sida uu sheegay wasiir Sabriye.

Wasiir Cabdi, wuxuu hoggaaminayey xiligii wada hadalka guddiga farsamo ee ka socday Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in dhinacyadii u kala dab qaadayey labadda dhinac ee Midowga Yurub iyo Mareykanka, ay ku cuslaatey xallinta dalab ka imanayey Somaliland.

Dalabka Somaliland ayaa ahaa in guddiyada farsamo ee la magacaabo aaney qeyb ka noqon xubno kasoo jeedo Waqooyi, taasoo ay dowladda Soomaaliya maareyn weysay inaan lagu soo darin guddiyada xubno ka socda Waqooyi.

Wasiir Sabriye, ayaa sidoo kale yiri, “Xaaladdu waxay dhaafi waysay soocista guddiyada farsamo xubnaha ka socda Waqooyiga, taasna ay hakisay shirkii lagu balan sanaa in la isugu yimaado muddo laba toddobaad ah.

Dhanka kale Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali waraabe oo goor sii horreeysay BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Wadahadalladii hore u dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland waxaa loo fasirtay in labada dhinac ay ka wada hadlayaan sidii ay mar labaad u midoobi lahaayeen oo heshiisyo cusub u geli lahaayeen waxayna taasi keentay inay dib u gurtaan waddamadii doonayay inay na ictiraafaan.”

Faysal ayaa sheegay in halkii ay wadahallada ka sii socon lahaayeen ay u weecanayaan in adduunka ay la macaamilaan.

“Waxaa la wada hadlaa marka ay dhibaato jirto, dhiigga joojiya, dowladdii aan la dagaalannay meesha way ka baxday hadana dowlad mideysan ma jirto waa shan dowladood, marka la hadlimayno.”

Shirkii ugu dambeeyay ee dhexmara madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Jabuuti.

Shirkan oo ay marti gelinaysay dowladda Jabuuti waxaa ergada labada dhinac kala hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Bayaanka ka soo baxay kulanka Jabuuti ayaa lagu qiray in shirarkii sannadihii hore aan horumar badan laga sameynin.

Xitaa iyadoo aan wali la isla gaarin arrimaha masiiriga ah ee ku saabsan xiriirka mustaqbalka ayay labada dhinac isku mari waayeen qodobo aasaasi ah.

Halkey ka soo billowdeen wadahadallada?

Fikrika ah in ay wada hadlaan Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu markii ugu horeysey ka soo billowday shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in “beesha caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan” Somaliland iyo Dowladd Federaalka ee Soomaaliya.

Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey ee fool ka fool ay isu soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii.

Si loo dardargeliyo dadaallada wadahadallada Somaliland waxay meelmarisay qaraar u oggolaanayay inay wadahadal toos ah la gasho dowladda Soomaaliya. Waxaana tan iyo xilligaas dhacay ilaa lix shir oo looga arrisanayay arrimahan.

Shirkii LOndon ee 2012 ayaa lagu go'aamiyay in la billaabo wadahallada Dowladda Somaaliya iyo Somaliland

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,Shirkii London ee 2012 ayaa lagu go’aamiyay in la billaabo wadahallada Dowladda Somaaliya iyo Somaliland

Shirkii London

Dhowr bilood uun ka dib shirkii Soomaalida ee London, waxaa bilowday wadahadallo la xiriira – midnimo ama madaxbannaani. Waxaana ka mid ahaa midkii dhacay Bishii Juun, 2012-kii.

Ujeedada shirkaas, oo ay martigelisay dowladda UK, wuxuu ahaa in waddada loogu xaaro waxa xaajoodka la xiriiray qodabadii ay labada dhinac ka wada hadli lahaayeen.

Wakiiladii ka socday Somaliland ayaa markaasi ka carooday in shirka lagu soo daray masuuliyiin ka socday dowladda Puntland.

source BB Somali News.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program to expand solar energy access in rural communities that remain disconnected from the national power grid. The Ministry of Energy and Mines announced that the first phase will provide solar systems to...

Sudan’s Ongoing Conflict Triggers New Wave of Refugees in Horn of Africa

The ongoing conflict in Sudan continues to fuel a humanitarian crisis, with thousands of civilians fleeing into neighboring countries in the Horn of Africa. Refugee camps in Ethiopia, South Sudan, and Chad are reporting a sharp increase in arrivals,...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities on its Red Sea coast, aiming to transform itself into a key trade hub in the Horn of Africa. The upgraded infrastructure includes modern cargo terminals and improved transport links designed to...

Check out other tags:

Most Popular Articles