Hargeisa
broken clouds
26.1 ° C
26.1 °
26.1 °
44 %
2.3kmh
80 %
Tue
28 °
Wed
24 °
Thu
23 °
Fri
27 °
Sat
29 °
spot_img
Tuesday, March 3, 2026

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Wararka CaalamkaFaadumo Cismaan: Xog ku saabsan Gabadh Hargeysa saaka guurkeeda loo socday balse ay geeri u baddashay

Faadumo Cismaan: Xog ku saabsan Gabadh Hargeysa saaka guurkeeda loo socday balse ay geeri u baddashay

Bulshada Soomaaliyeed waxaa maanta quluubtooda aad u gilgilay war naxdin leh oo ku saabsan gabar arooskeeda la filayay inuu dhaco maanta oo geeri lama filaan ah ku timid.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa tan iyo saaka si weyn u hadal haya dhacdadan, waxaana farxaddii aroska mar qura baddashay tacsida.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday qaban qaabada guurka Faadumo Ismaaciil iyo Khaalid Maxamed Maxamuud oo la filayay inuu meherkooda ka dhaco maanta hoteel ku yaalla magaalada Hargeysa, sida uu baraha bulshada kusoo qoray Siciid Maxamuud Gahayr oo sheegay inuu ka mid yahay dadka lagu martiqaaday arooska.

“Ma jirin xanuun weyni. Kuma ay dhiman shil. Waa ay nabad iyo caafimaadqabtay. Shalay ayaa lagu booday, waxana la filayay inay ka soo rayso. Saaka waxa guurkii beddelay geeri,” ayaa ka mid ahaa qoraalladiisa.

Sidey ku timid geerida?

Isku day aan u sameynay in aan la xiriirno qoyska gabadha si ay BBC-da ula hadlaan weli nooma suurtagelin. Hase ahaatee wararka laga helay ilaha ku dhow qoyska ayaa sheegaya in Faadumo Cismaan ay u geeriyootay xanuunka dhiig karta oo kusoo booday.

Dadka baraha bulshada dhacdadan ku faafiyay waxaa ka mid ah qof lagu magacaabo Axmed Karaama oo sheegay in ay muddo 15 sano ah deris ahaayeen gabadha geeriyootay, labadooda gurina ay isku xigaan.

Waxa uu sheegay in saaka uu u labistay si uu uga qayb galo arooska Faadumo iyo Khaalid, balse ay arrintu si kale isu rogtay.

Markii ugu dambeysay ee dhacdo noocan u dhow ay dhagaha Soomaalida maqlaan waxay ahayd hal sano ka hor markii lamaane aroos cusub ahaa ay ka mid noqday dadkii ku dhintay qarax hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho lala beegsaday 31-kii bishii January ee sanadkii 2021-kii.

Fahad Cabdiraxmaan iyo Farhiyo Cali Cumar waxay aroos ahaayeen sagaal maalmood oo kaliya, waxayna ku geeriyoodeen isla goobtii ay ku yagleeleen aqalkooda rajadu ku dheehneyd, sida ay xubno ka tirsan qoyskooda u sheegeen BBC-da.

BBC Somali News.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles