Golaha deegaanka ee caasimaddu waxa uu wadaa dardar cusub oo waddooyinka magaalada Caasimadda lagu bannaynayo, geedaha sida garanwaagana looga jaraayo.
sidoo kale, dhammaan degmooyinka caasimaddu waxay wadaan olole wadde bannayna si loo iftiimiyo bilicdaiyo quruxda caasimadda.
Maamulka dawlada hoose ee degmada Axmed Dhagax ayaa wado baneyn ka bilaabey xaafada Octobar. sido kale waxa dhinac socotay duminta Dhismayaasha sharci darada ah ee laga dhisay wadooyinka degmada Axmed Dhagax.
Degmadan Axmed Dhagax waxaa laga waday waddadii ugu horryasay ee maayarka iyoku xigeenkiisu dhagax dhigeen oo si casriya loo dhisaayo. shalay oo ay taariikhdu ahayd 11-01-2022, waxaa iyana la bilaabay bannaynta wadandan xaafadda Oktoobar.
Maayar Mooge ayaa in badan ku celceliyey in ay ka gole deegaan ahaan ay magaalada Hargaysa bilicdeeda iyo quruxdeeda ka shaqaynayaan.
golaha deegaanku waxa uu sameeyey hal maalin oo ugaara caasimadda iyo degmooyinkeeda in laga nadiifiyo xashiishka iyo qashinka. Maalintaas oo ku astaysan dhammaadka bil walba.