Hargeisa
broken clouds
21.7 ° C
21.7 °
21.7 °
63 %
9.2kmh
61 %
Sat
30 °
Sun
32 °
Mon
33 °
Tue
31 °
Wed
30 °
spot_img
Saturday, September 13, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Guuxa DadweynahaMusharraxiinta Saddexda Xisbi Ee Hadda Ku Tilmaamay Kuwa Ansaxa Ah Ee Xaqa U Leh Doorashada Madaxtooyada Ee 2022ka

Musharraxiinta Saddexda Xisbi Ee Hadda Ku Tilmaamay Kuwa Ansaxa Ah Ee Xaqa U Leh Doorashada Madaxtooyada Ee 2022ka

Hargeysa,( January 10, 2022- (Foore)– Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee inta badan ka faallooda xaaladda siyaasadeed ee hadba taagan muddooyinkii dambena si weyn uga hadlayay xaalada muranka siyaasadeed ah ee dalka ka taagan ayaa waxa uu sheegay in doorashooyinka saddexda ah ee innagu soo foolka leh haddii ay mid kastaa wakhtigeeda ku qabsoonto in ay taariikh weyn oo guul ah u noqonayso Somaliland isaga oo sheegay in doorashada Madaxtooyada saddexda Musharrax ee xisbiyadu yihiin kuwa xaqa u le in ay ku tartamaan maadaama shahaadada xisbiyada hadda jiraa dhacayso Diisambar 26-keeda sannadkan.
Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa facebook oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu ku yidhi sidan: “Sannadkan 2022 Somaliland waxa ku soo fool leh saddex doorasho. Haddii sadexduba ay wakhtiyadooda ku qabsoomi karaan waa guul aanay Somaliland hore u soo marin haddii daacad laga yahay oo ay run tahay sidii uu ballan qaaday Madaxwayne Muuse in la qabanayo saddexdaba weliba mid waliba ay wakhtigeeda ku qabsoomayso sida ay u kala horeeyaanna loo kala hor qabanayo.
Waxa ugu horaysa DOORASHADA GUURTIDA oo laga yaabo in aanay noqon doorasho toos ah ee noqon doonto doorasho dadaban oo aanay xisbiyadu kaalin ku lahayn Sida aan filayo hadii ay run tahay oo Madaxwayne Muuse ay ka go’an tahay waxay noqon doorashadii labaad ee lagu soo doorto Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland markii labaad muddo 25 sanadood ah (97-2022). Runtii anigu guul wayn oo wax-ku-ool ah baan u arkaa hadii ay rumowdo
Doorashada labaad ee ku xigtaa waa DOORASHADA MADAXTOOYADA oo mudaysan 13 November 2022. Xaq waxa u leh in ay ku tartamaan mushariixiinta sadexda Xisbi Qaran oo shahaadadahoodu ay ansax yihiin ilaa 26 December.
Doorashada sadexaad ee ku xigtaa waa doorashada XISBIYADA IYO URURADA oo ay ku tartami doonaan sadexda xisbi qaran iyo ururada siyaasaddu natiijadeedana ay ku soo bixi doonaan sadex xisbi qaran oo muddo 10 sanadood ah iyagu haysan doona masraxa siyaasadda Somaliland. Ururada Siyaasadana ciddii danaynaysaa waxay xaq u leedahay in ay furato lix bilood ka hor oo noqonaysa June 2022.
Waxa beryah dambe dhegaha dadwatnaha ka batay muran ku saabsan furista ururada waxanu ka dhashay hadal uu Wasiirka Warfaafintu isaga oo wakiil ka ah Madaxwaynaha uu yidhi bishii December 2021 yidhi “laga bilaabo hadda ururada siyaasadda waa fasax oo waa la furan karaa”, isaga oo runta og Xeer Lam. 14na ay ku caddahay goorta la furan karo oo ah June 2022. Markiiba hadalka wasiirka waxa gaashaanka ku dhuftay xisbiyada mucaaridka oo iyagu sheegay in warka uu sheegay wasiirku uu waxba kama jiraan yahay sharcigana baal marsan yahay. Marka ay sidaa tahay horta yaa diidan furista ururada?
Dad badan oo iska hadlayaal ah ayaa waxay warbaahinta caadiga ah iyo Baraha Bulshadaba wareejiyaan in xisbiyada mucaaridku ay yihiin kuwa iyagu diidan furista ururada? Runtiina cidda diidan in la furo ururadu iyadoo xeer Lam. 14 la raacayo maaha xisbiyada mucaaridka ee waa Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa hadii inta aan soo sheegay aanay been ahayn ee run tahay.
Dhinaca kale khilaafkan wuu ka hordhacay wakhtigiisii ee waa khilaaf inagu soo fool leh oo ugu fabaysta halka lagu socdaa aanay ahayn furista ururada balse waxa la isku hayaa uu yahay wax kale. Hadii aanay ku socon in Doorashada Madaxtooyada meeshaba laga saaro wixii kaleba waa sahaale. Waayo shirqool Lam.14 wuu socdaa xeerkina Maxkamadda Sare ayuu ku maqan yahay waana falaadhii cirka loo ganay”. Ayuu yidhi Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf oo Cali Guray loo yaqaannaa.
siyaasi Cali Guray.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program to expand solar energy access in rural communities that remain disconnected from the national power grid. The Ministry of Energy and Mines announced that the first phase will provide solar systems to...

Sudan’s Ongoing Conflict Triggers New Wave of Refugees in Horn of Africa

The ongoing conflict in Sudan continues to fuel a humanitarian crisis, with thousands of civilians fleeing into neighboring countries in the Horn of Africa. Refugee camps in Ethiopia, South Sudan, and Chad are reporting a sharp increase in arrivals,...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities on its Red Sea coast, aiming to transform itself into a key trade hub in the Horn of Africa. The upgraded infrastructure includes modern cargo terminals and improved transport links designed to...

Check out other tags:

Most Popular Articles