Ciidanka dabdemiska Jamhuuriyadda Somaliland waa laanta keliya ee shaqada ugu badan ee gurmad ah samaysa. ciidanka dabdamisku waxay inta badan u gurmadaan goobaha dabku ka aloosmo, xoolaha iyo dadka meel ku xannibma soo samatabixintooda iyo gaadiidka meel ku xumaada oo ay u gurmadaan.
ciidanka dabdamisku iyaga oo hawlmaalmeedka ay qabtaan ku guda jira waxa y boggooda internetka ku qoree:
“Alle haw naxariistee Hal qof ayaa ku dhintay dab ka dhacay xaafada Badacas ee magaalada Wajaale.
Qofka dabka ku dhintay ayaa ahayd Hooyo da’adeedu ku dhawayd 70 jir , iyadoo la sheegay inay xanuusanaysay, waxaana ciidamadu goobtaa gaadheen markii lagu soo wargeliyay. Sidoo kale dadkii gurigaa joogay ayaa ka maqnaa guriga markuu dabku qabsaday.
Ciidanka Booliska iyo maamulka degmada ayaa goobjoog ahaa hawlgalkaa.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka feejignaadaan caruurta, dadka maskaxda ka jirran iyo dadka waayeelka ah in guryaha lagaga tago ama dusha lagaga xidho.
Info.fire@sldgov.org
990Emergency.