Arbaca, (Gebiley, 22-12-2021)– Madaxwyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa kormeer ballaadhan ku sameeyey mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolada qaar. Mudane Saylici waxa uu booqday soona kormeeray mashaariicda ka socoto Gobolka Saaxiliyo Daadmadheedh. waxa uu kor meerayaa mashaaricda ay ka wadaan wasaaraduhu iyo mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoosee ee loo yaqaano JPLG.
Madaxeyne kuxigeen Saylici waxa uu maanta booqday magaalada gebiley isag oo ay weheliyaan wasiirka caafimaadka iyo wasiirka waxbarashadu waxaay soo kormeereen mashaariicda JPLG-ga ay dawladda hoose wadda sida goobaha caafimaadka iyo goobaha waxbarashada iyo garoomo loo samayn doono ardayda.