Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyo wefdi uu horkacayo, ayaa ugu kicitimey socdaal shaqo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Muuse BIixi ayaa martiqaad ka helay ra’iisal wasaaraha dowladda Itoobiya Abiye Axmed.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa safarkoodu wuxuu qaadan doonnaa maalmo kooban.
Waxey la kulmi doonaan intey dalkani joogaan madaxda Itoobiya, iyo kuwa kale oo ka socda dalal kale.
Maalmahan ayaa magaalada Addis Ababa waxaa ka socdey gogol xaar loo sameynayey wefdiga Somaliland. lamana shaacin qodobada ay ka wada hadli doonaan Biixi iyo Madaxda Adis.
Bishii Jannaayo, 2021 ayuu sidan oo kale Madaxweyne Biixi u booqday Wadanka itoobiya, xilligaas oo Adis uu ka socdy shirweynahii Madaxda Afrika. Madaxweyn Biixi ayaa la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Dawladda Federalka Somaaliyeed, Maxamed Cabdillaahi Framaajo.




