Hargeisa
light rain
27.1 ° C
27.1 °
27.1 °
53 %
3.9kmh
97 %
Wed
27 °
Thu
30 °
Fri
31 °
Sat
30 °
Sun
32 °
spot_img
Wednesday, May 8, 2024

120 Sanno jir Subax Walba u soo Kalaha Hagaajinta Waddooyinka.

Dookha Nolosha120 Sanno jir Subax Walba u soo Kalaha Hagaajinta Waddooyinka.

Waxaa magaaalda Hargeysa mucjiso ku noqotay oday waayeela oo 120 sano jir ah haddana haaya hawl adag oo ah hagaajinta waddooyinka. Waxa uu dayac tiraa waddooyin daadku qaado, waxa uu buuxiyaa wadooyinka hogaggu ku samaysmaan, waxaa banneeyaa waddooyinka ay ka dhex baxaan geeduhu.

“Waxaan shaqadan soo haayey lixdankii sano ee ugu danbeyey” ayuu muwaadinkani u sheegay warbaahin mar ay waraysanaysay.

Waayeelkani waa mid la ciirciiraaya da’ waayeelnimo, duruufo adduunyana ka muuqdaan sidaas oo ay tahayna haddana waxa uu jecelyahay in uu waddankiisa iyo dadkiisa wax uga tago.

“Waa dalkaygii, waa dadkaygii, maaha iskaga tag ee waa wax uga tag da; yarta. Haddaba waxaan doonayaa in aan dadka iyo dalkaba wax uga tago”ayuu yidhi.

Waddooyinka Magaalada Hargeysa waa qaar badankoodu gogo’an una baahabn dayac tir. Dawladda hoosena may awoodin weli in ay baahitirto waddooyinka. Dhammaan waddooyinka isaga baxa degmooyinka magaalada Hargeysa ayaa ah qaar wa baaba’san marka laga reebo wadada madaxtooyada iyo ta qabata madaarka.

 

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles