Xaliimo British oo 20,00kun oo Doolar ugu Deeqday Xildhibaan Barkhad Batuun.

4

Marwo Xaliimo British ayaa 20,000kun oo doolar ugu deeq Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun. Barkhad waa xildhibaanka ugu codka badan xildhibaanadii golaha wakiilada Somaliland ee la soo doortay bishii May 2021.

Kadib markii Wasiirka Gargaarka Soomaaliya, Wasiir Khadiijo ay sheegtay in ay Xildhibaan barkhad siinayso dhaqaale dhan 20,00kun oo doolar, ayaa hadana xalay lagu arkay baraha bulshada muuqaal ay kaga noqotay arrinkaas.

“Ma awoodo ra’iisalwasaaraha aan wasiirkiisa ahay inaan mushaharka xukuumada aan wasiirkiisa ka ahay aan saddex kun kaaga soo diro”, ayay ku sheegtay muuqaal la soo dhigay baraha bulshada.

“Saaxiibada kalena waan u celin doonaa xoolahooda”, ayay sii raacisay.

Hadalkan baa ka xanaajiyey taageerayaasha Barkhad Jaamac Batuun.

Maamo Xaliimo British  oo muuqaalka wasiirada ka soo jawaabtay xalay goor danbe waxay tidhi, “Xalay anigoo iska cawaynaya ayaa waxa iga soo hor baxday xildhibaanadaas wadanka Soomaaliya {Khadiija} oo lacago tirtirinaysa oo si liidnima ula hadlaysa barkhad jaamac”.

“Barkhad jaamac batuun waxaan ugu deeqay 20,000kun oo dollar”, ayay tidhi.

Hadaba maanta duhurkii ayay maamo Xaliimo British Barkhad guddoonsiisay lacagtaas. Waxaana goobjoog ahaa saxaafadda, salaadiin, cuqaalo iyo odayaaasha xaafadda Daami.

Dhiniciisa Xildhibaan Barkhad ayaa sheegay inuu lacagtan Xaafadda Daami uu ugu dhisayo Xannaano Caafimaad.

 

“Anigu ma ihi nin dumarka la tirsada oo dhaqanka iyo milgaha umadnimo meelna kaga jirto in haweenka loo jawaabo, wax aan ixtiraam, wallaalnimo, aheyn uma hayo Maamo Khadiija dadka Aniga i jecelna waxa aan u soo jeedinaya in ay igu ixtiraaman oo aanay Hooyada u jawaabin.” Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.