“Wixii Dadku Noo Doorteen Baanu Bilaabaynaa”, Maayar Cabdikariim Axmed Mooge.

8

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ka hadlay qorshayaasha uu damacsanyahay in uu caasimadda ku qurxiyo. Isaga oo ka hadlaaya kulan uu la yeeshay Guddoomiyaha  Xisbiga Ucid.

“Wixii anuu xilligii doorashada nidhi xildhibaano ka ahaan ee aan umaddda u balan qaadnay, iyo sidoo kale qorshihii dejisnaa oo hal sano qabyo ka ahaa, 2022 wax ka qornaayeen ayaa la socod siinayaa”, ayuu ku yidhi isagoo la hadlaaya warbaahinta.

Mayaar Mooge, ayaa ahaa maayarkii ugu codka badnaa maayaradii soo maray magaalada Hargeisa. Waxa uu helay aqlabiyadda ugu badan codadkii maayarada Somaliland. Dad badani waxay ka filanayaan inuu yahay nin waxqabad baahiyaha caaasimaddaa wax ka qaban kara. Weli se may suuro gelin hal waxqabad golaha deegaanka ee cusub mudadii ay joogeen oo ku dhaw 4 bilood.

“2022 waxaan ku hawlgalaynaa qorshe wanaagsan oo ah dadku waxay rabeen, oo la jaanqaadaya waxaan ballan qaadnay” ayuu sii raaciyey.