“Waxaan Dhisanaynaa Cudud Ciidan oo Xooggan”, Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi.

3
Woqooyiga Kuuriya oo ku dhawaaqday in ay xoojinayso horumarinta gantaalaheeda difaaca, horumarinaysna bacariminta Nukliyeerkeeda.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa ku dhawaaqay in uu dhisaayo ciidan xoogaan oo dalkiisu leeyahay, si uu uga hortago cadaawadda ay kula jiraan Maraykanka, sida laga soo xigtay warbaahinta wadankaas.

Kim Jong-Un waxa uu sii raaciyey horumarinta hubkayaga keliya waxaan u adeeegsanaynaa difaac ee wax cadaawada ma bilaabayno. Dhowaanahan kuuriyada woqooyi waxay tijaabinaysay gantaalaha lidka diyaaradaha.

Kim waxa uu yidhi, “cidna dagaal lama gelayno,waxaanu ka hortagaynaa dagaal na lagu soo qaado, waxaanu ilaalinaynaa qaranimada dalkayaga”.

Isagoo ka hadlaaya cadaawadda ka dhaxaysa Maraykanka iyo dalkiisa waxa uu yidhi, “Iska ma indha tirayno in Maraykanku yahay cadawgayaga”.

.Woqooyiga Kuuriya oo ku dhawaaqday in ay xoojinayso horumarinta gantaalaheeda difaaca, horumarinaysna bacariminta Nukliyeerkeeda. Dhinaca kale, Maraykanka uu hoggaaminaayo Biden waxa uu ku celceliyey inay aad u jecelyihii in ay wada hadal toosa la furaan Woqooqyiga Kuuriya, haddii ay Pyongyang ka tanaasusho horumarinta hubka nukliyeerka intaan laga fududayn cunaqabaynta saaran, halkaas oo ay woqooyiga kuuriyana diidantahay.