Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Albaani Ma Is-casilayaa?.

4

Waxaa soo baxaaya dhaleecayn is-daba jooga oo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland sheikh Al-baani, loo soo jeedinaayo Maanta oo jimce ah inuu is-casilo.

“Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh ALbaani waxaan leeyahay Meesha is kaga tag mar haddii amarkaagii agaasime burinaayo” Sheekh Shacbaan ayaa khudbaddiisii Jimcah ku yidhi.

Geesta kale, Dr. Maxamed kaariye ayaa isna bartiisa facebook ku qoray, “Fusuqa iyo fuxshiga xalay ka dhacay Hotel Royal ee magaalada Hargeysa waa munkar ay waajibtahay in ay culimadu diidaan. Sheekh Albaani waxaa la gudboon in uu is casilo”.

Warar hoose oo soo baxaaya ayaa timaamaya in ay uu wasiirka diinta iyo awqaaftu iscasilaayo mar haddii amarkiisii la fulin waayey.