Hargeisa
few clouds
16.4 ° C
16.4 °
16.4 °
86 %
4.3kmh
22 %
Tue
16 °
Wed
25 °
Thu
24 °
Fri
21 °
Sat
23 °
spot_img
Tuesday, January 18, 2022

Wasiir Sheegay in Xukuumaddu Isku Guurinayso Lammaanayaal Aragga Naafo ka ah.

UncategorizedWasiir Sheegay in Xukuumaddu Isku Guurinayso Lammaanayaal Aragga Naafo ka ah.

Dadka araga naafada ka ah waxay u nugulyihiin dhibaatooyinka soo waajaha ee kaga yimaada degaanka iyo nolosha ay ku suganyihiin. Walaw dadka naafada ahi ay kulligood wada dhibaataysanyihiin hadana kuwa aragga ka naafada ahi waxay waajahaan noolosha addduunyo si ka adag kuwa kale.

Guurku maadaama uu yahay aasaaska nolosha qofkastaana u baahanyahay dadka  naafada  ahi way la dhibtoodaan in ay guur helaan iyo lamaane.

Hadaba xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay isu guurinayso dadka aragga nafada ka ah. Wasiirka diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb galay Maalinta Naafada Aduunka oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa soo hadal qaaday in xukuuumaddu isu guurinayso dadka naafada ah.

“Qofkasta oo kamid ah Ururada naafadu waxa uu jecelyahay inuu wax qabsado iyo inuu horumaro” Wasiirka Diinta iyo Awqafta Sheekh Albaani.

Xukuumadda Somaliland waxay miisaaniyadda ugu dartay lacag ururada naafada, lacagtaas oo loogu talo galay in laga ga shaqeeyo baahiyaha dadka naafada ah. Waxaana jira dad badan oo naafo ah, qaar indho la’, qaar lugaha ka naafo ah, qaar gacmaha ka naafo ah iyo qaar laxadkoodaba la’. Dadkanina dhammaantood waxay u baahanyihiin daryeel iyo ka warhayn joogto ah.

“Xukuumadeenu waxay ahmiyad gaara siisay dadyawga araga, jidhka iyo maqalka ka naafada ah” ayuu sii raaciyey wasiiir Albaani isaga oo ka hadlaayey Maalinta Naafada Aduunka.

Wasiirka oo ka hadlaayey aroos wadareed loo samayn doono qaar ka mid dadka naafada ah ayaa yidhi wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo xukuumaddu waxay iska kaashanayaan in ay tobankii qof ee naafo ah ee ugu horreeyey ay isu guurin doonaan.

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles