12.9 C
Hargeisa
Wednesday, December 8, 2021
HomeFaallo | EditorialTanaasulka Jirde iyo Caydhinta Xaashi Saamayn intee le'eg Bay Ku Yeelanaysaa WADDANI...

Tanaasulka Jirde iyo Caydhinta Xaashi Saamayn intee le’eg Bay Ku Yeelanaysaa WADDANI iyo Kulmiye.

Maalmihii ugu danbeeyey, xisbiyada Kulmiye iyo Waddani waxay u badheedheen in ay  waajaheen xaalado iyo duufaano ay hore uga baqeen, iyo go’aamo wada tashi lagu gaadhay, balse,  ay hogaanka xisbiyadu ka gaabsaanayeen in lagu dhawaaqo. Haddase, waxaa bilaabmay sidii loo darsi lahaa natiijada ka soo noqotay ee saamaynta ku yeelanaya mustaqbalka labadan xisbi tallaabooyinka culus ee ay qaadeen.

Xisbiga Wadani waxa uu dhayda ka cadeeyey saamayn siyaasadeed aan weli wax saamayn ahi kaga soo noqon. Is ogolaanshaha iyo wada tashiga ay hoggaanka ugu sarreeya xisbigaasi ka gaadheen tallaabooyinkan la hirgeliyey ayaana sababtay in aanay didmo ka muujin taageerayaal miisaan leh oo xisbigu hore u hantiyey, haatanna uu hiilkooda ka sugaayo,

Cabdiqaadir Jirde oo naawilayey  guddoomiyaha xisbiga iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna loo arkayey inuu cudud taageero ku soo kordhin karo xisbiga ayuu Cabdiraxmaan Cirro ku guulaystay inuu guusha xisbigooda hormuud ka noqdaan. Jirde ayaan isna uga tanaasulay Xirsi oo codsi uga yimi. Aqbaaladda uu kursiga ku macasalaameeyey ayay wararku sheegayaan heshiis aan weli la shaacin oo loo ballanqaaday Cabdiqaadir Jirde lana xidhiidha mustaqbakiisa siyaasadeed.

Cabdiqaadir Jirde ayaa si rasmiya u iclaamiyey inuu ka tanaasulay kursigii guddoomiyenimada, isla markaana aanu kamid ahyn musharixiinta u tartami doona marka la gaadho shirweynaha xisbiga ee bisha Novembar. Balse, waxa uu carrabka ku adkeeyey inanu dhinacna uga socon Xisbiga Waddani. Taas oo ka dhigan taageerayaasha u ku lahaa degaanka jirde aanay wax isbedel ahi ku imaan, cududoodana la barbar taagnaan doonaan xisbiga. Waxaana fashil ku dhammaaday qorshihii Xisbiga Kulmiye ku doonayey inuu ku wiiqo isla markaana guusha isbedelka inuu ku mijira habaabiyo taageerayaasha ka soo jeeda deegaanada Cabdiqaadir Jirde. Kuwaas oo wakhti badan soo dhinc taagnaa xisbiga ay guulihiisana horseedka u ahaayeen.

Go’aanka Cabdiqaadir jird kaga tanaasulay guddoomiyenimada ayaan keenin saadaal taban oo mugdi gelinaysa taageerada ballaadhan ee Xisbiga Waddani ku leeyahay shacabka Somaliland.

Ugu danbayntii, Xuseen Axmed Caydiid oo la filaayo inuu noqdo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaasi, iyo fashilaada ka gaadhay inuu tanaasulka jirde u adeegsado danahiisa siyaasiga ah, iskana horkeeno xisbiga isbedel doonka ah ee Xisbiga Waddani iyo taageerayaashiisa afarta gobol ku filiqsan, isla markaasna ku xooggan Hargaysa iyo Hawd, ayaana ilaa hadda keenin saadaal taban oo Xisbiga Wadani ku waayi karo taageerayaal hor leh.

SAADAASHA HAWADA | Weather

Hargeisa
clear sky
12.9 ° C
12.9 °
12.9 °
90 %
5.4kmh
10 %
Wed
23 °
Thu
23 °
Fri
22 °
Sat
21 °
Sun
22 °

INTERNATIONAL TRADE EXPO

- Advertisement -spot_img

HORSEEDKII AFRIKA | THE AFRICAN PIONEERS

- Advertisement -spot_imgspot_img

ARAGTI | OPINIONS