Reer Yurub oo Afgaanistaan ku Caawinaaya 1.2 Bilyan.

1

Hoggaamiyayaasha dhaqaalahoodu horumaray ee laysku yidhaahdo G-20 ayaa ku baaqay in la caawiyo wadanka Afgaanistaan si’ looga hortago xaalad bani-aadinimo oo dhacda. Ka dib markii uu Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi uu marti geliyey kulan deg deg ah oo ay yeesheen

Wadamada Midawga Yurub oo Salaasadii todobaadkan ku dhawaaqay in ay lacag dhan (1.2billions) ku bixinayaan caawinta baahiyaha bani-aadanimo ee Wadanka Afgaanistaan iyo wadamada jaarka ah ee ay gaadheen qoxoontiga Reer Afgaanistaan.

Madaxweynaha Maraykan John Biden, Ra’iisal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo madax badan oo Reer Yurub ah ayaa ku kulmay shirka fogaan araga ama ZOOM. Halka Madaxweynaha Chine, Xi Jinping iyo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ay soo direen ergooyin metela.

Kulankan ayaa u muuqda mid guul laga gaadhay sidii loo caawin lahaa wadankan dhaqaalihiisu burburay, shaqaalaha dawladduna aanu qaadan wax mushahar ah, bangiyadiina ay xidhanyihiin. Sixirka maciishadduna kor u kacay.

 Aljazeera News