Hargeisa
few clouds
16.4 ° C
16.4 °
16.4 °
86 %
4.3kmh
22 %
Tue
16 °
Wed
25 °
Thu
24 °
Fri
21 °
Sat
23 °
spot_img
Tuesday, January 18, 2022

“Qofku wax walba waa u dul qaadan karaa intuu damiirkiisu noolyahay” W/Q: Mustaf Awil Hassan.

Uncategorized"Qofku wax walba waa u dul qaadan karaa intuu damiirkiisu noolyahay" W/Q: Mustaf Awil Hassan.
Bilowga Lixdameeyadii qarnigii tegay, ayey dowladda Mareykanku damacday inay wada-hal la gasho koox fallaago ah oo dalka Vietnam ka jirtay, Mareykanku fariin wadahal ayey u direen kooxda iyagoo ka dalbaday inay wafdi soo dirsadaan.
Magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayey aheyd goobta loo diyaariyey inuu wada-hadalku ka qabsoomo, Kooxdii Falaagada aheyd waxay soo dirsadeen wafdi ka koobnaa laba Nin iyo laba Dumar ah, Wafdigu waxay xidhnaayeen dhar duug ah oo ah lebiskii caadiga ahaa ee ay keynta kula jireen.
Safar dheer kadib ugu dambeyn wafdigii kooxda ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Paris, isla markiiba waxaa u diyaarsanaa howl-wadeeno loo diyaariyey soo dhaweynta Wafdiga, gaari si heer-sare ah loo diyaariyey ayaa la damcay in lagu qaado wafdiga , balse wafdigii Way diideen inay gaariga raacaan!
Waxayna sheegeen in ay lugeyn doonaan Shirkana waqtigiisa iman doonaan!
Waxaa la weydiiyey halkee rabtaan inaad degtaan, Waxay u sheegeen inuu jiro arday Fiitnaamees ah oo Paris agagaarkeeda deggan, Waxay kaloo sheegeen in ardaygaas gurigiisa ay seexan doonaan inta Shirku socdo!
Howl-wadeenadii Mareykanka ahaa ayaa u sheegay Wafdiga in Hotel dhan keligood loo diyaariyey.
Wafdigii Fiitnaamees ka ahaa ayaa ku jawaabay: ” Waxaan u dagaalameynay oo aan buuraha iyo Keymaha u galnay waxay aheyd Qadiyad aan aaminsannahay, Haddii ay nolosheenu raaxo iyo hoteel barato, waxaan ka baqaynaa in aan qadiyadeenii ilowno oo aan idinka daba-dhilif idiin noqonno.
Dulucda sheekadu:
Qofku wax walba waa u dul qaadan karaa intuu damiirkiisu noolyahay ayna jirto qadiyad uu rabo inuu ka dhabeeyo, balse qofka markuu damiirkiisu dhinto dano kooban iyo Lacag yar ayuu ku beddelan karaa diintiisa iyo dalkiisaba.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalka.
Qalinkii: Mustaf Awil Hassan

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles