Hargeisa
scattered clouds
13.4 ° C
13.4 °
13.4 °
84 %
3.9kmh
40 %
Mon
24 °
Tue
22 °
Wed
23 °
Thu
23 °
Fri
23 °
spot_img
Monday, January 24, 2022

Madaxeyne Muuse Biixi Cabdi oo Berbera Lagu Soo dhoweeyey.

Guuxa DadweynahaMadaxeyne Muuse Biixi Cabdi oo Berbera Lagu Soo dhoweeyey.
Khamiis, (Hargeysa-23-12-2021)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Gaadhay Magaalo Marseedka Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka gobolka, ka degmada iyo iyo qaybo kamid ah bulshada gobolka.
Madaxweynaha oo saaka safar shaqo kaga soo ambo baxay caasimadda Hargeysa, ayaa Daah-furi doona tartanka koobka horyaalka horyaallada kubbadda cagta Jamhuuriyadda Somaliland ee 2021-ka oo galabta ka furmi doona Garoonka kubbadda cagta ee Cabdalle Stadium ee magaalada Berbera, kaas oo ay ka qaybgeli doonaan kooxo kala duwan oo ka socda gobollada dalka.
Madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa ka hor intii aanay gaadhin magaalada Berbera waxa lagu soo dhaweeyey deegaamada u dhexeeya deegaannada u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles