Hargeisa
broken clouds
19 ° C
19 °
19 °
67 %
8.3kmh
69 %
Fri
23 °
Sat
24 °
Sun
24 °
Mon
24 °
Tue
22 °
spot_img
Friday, January 21, 2022

Musharax Madaxweynaha Somaliland Cirro oo u dhoofay Ethiopia

Guddoomiyaha mucaaradka ugu weyn ee Somaliland Mudane...

Nuxurka Go’aamo ka Soo Baxay Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Maanta

Fadhigii 86aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland...

Macluumaad Ku Saabsan Xayawaanka Madaxkutida.

UncategorizedMacluumaad Ku Saabsan Xayawaanka Madaxkutida.
Madax-kutidu waxa ay kamid tahay dugaaga hilibcunka ah, gaar ahaan bahweynta Naasleyda. Waxayna caan ku tahay oo laga helaa deegaanada qabawga ah ee kuyaala qaaradaha Aasiya, Yurub, Koonfurta iyo Waqooyiga qaaradaha Ameerika. Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqaannaa (Bear), Carabidana (ﺩُﺏّ). Afka Soomaaligana waxaa loogu yeedhaa Madax kuti ama Buti. Cimriga xayawaankani waxa uu gaadhaa 20 sano, halka uu culayskiisuna gaadho 80 ilaa 600 kiiloo. Xayawaankani waxa uu leeyahay 37 hiddo-side iyo 42 ilkood. Sidka noolahani waxa uu gaadhaa 195 ilaa 270 maalmood, kaas oo halkii mar dhala 2 ilaa 4 ilmood, kuwaas oo ku qaaangaadha 3 ilaa 7 sano. Xayawaankani waxa uu ku jira xayawaannada cuna hilibka iyo waxyaabaha kasoo jeeda dhirta, gaar ahaan xiliyada cadceedu qabaw dahay. Saacadii waxa uu ordi karaa 48 kiiloomitir.
Guud ahaan noocyada madaxkutida ee aduunka kunool waxaa looqaybiyaa sideed nooc. Madax kutidu waxay kamid tahay xayawaannada dad cunka ah (Man-eaters), iyo kuwa quuta xayawaannada kale ee dhintay ama bakhtiga (Scavengers). Noolahani waxay leedahay dareen ureed oo aad u sareeeya iyo maqal aad u xoogan, waana xayawaannada aad u difaacda haddii dhashooda lasoo weeraro, Xiliyada jilaalkii markay cuntadu gabaabsi noqoto waxa uu galaa xaalad isa suulin ah. Xayawaankan waxay aad isugu dhaw yihiin oo ay wax iska dhali karaan xayawaan looyiqaano (Panda), oo laga helo koonfur galbeed dalka shiinaha. Dadka qaarkood ayaa aaminsan inuu xayawaankani berigii hore dhulka soomaalida kunoolaan jiray oo uu dadka cuni jiray, waxaana dhici kartaa inay gumaysatayaashii dhulka soomaalida haystay ay keeneen dhawr xabo, kuwaas oo markii danbe dadka dhibaateeyay. Sida uu sheegay ururka caalimiga ah ee midawga ilaalinta waxyaabaha dabiiciga ah (IUCN), waxa uu cadeeyay in ay madaxkutidu kamid tahay xayawaannada laga baqaayo inay dabar go’aan.
Mayeedhaan Magazine.
dribraahimm@gmail.com.

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles