Hargeisa
broken clouds
16.1 ° C
16.1 °
16.1 °
66 %
5.5kmh
67 %
Fri
15 °
Sat
23 °
Sun
23 °
Mon
24 °
Tue
26 °
spot_img
Friday, January 28, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo ka warbixiyey safarkii u ku joogay Jibuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaasi...

Duqa Caasimadda oo Sharciyo Cusub oo Bilacda Magaalada ah soo jeediyey

Mudane CKriim Axmed Mooge, Guddoomiyaha Caasimadda Hargeysa...

Ma Jebinayo Shuruudihii aynu Dhigannay ee Su’aasha Jawaabtiina Maad Sixin. Qiso Cajiiba.

OpinionMa Jebinayo Shuruudihii aynu Dhigannay ee Su'aasha Jawaabtiina Maad Sixin. Qiso Cajiiba.
Macalin ayaa waxa uusoo galay fasal ka mid ah fasaladii uu xiisadda u lahaa maalintaa. Macalinku waxa uu dhigaa luuqadda Carabida.
Macalinkaasi waxa uu ahaa macalin had iyo jeer ardayda la wadaaga murti kala duwan oo qusaysa noloshooda, waxana uu ahaa macalin dulqaad badan oo u samra haddii fal-celin aan wanaagsanayn ay ardayda qaarkood kaga timaaddo.
Maalintaas uu fasalka soo galay waxa dhowr toddobaadyo ka hadhsanaayeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada laga qaadi lahaa, waxa sidoo kale fasalka fadhiyey laba sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo qiimanayey qaabka macalimiinta dugsigani wax ugu dhigaan ardayda.
Qaar ka mid ah ardayda ayaa macalinkii ku yidhi, “macalin waxba kaama fahanno… luuqaddan Carabiduna waa mid adag oo aan imtixaanka lagu geli karayn,…. maxaa ardayda looga joojin waayey maaddadan!!?” Markiiba buuq iyo muran u dhexeeya ardayda, ayaa dhacay iyadoo qaar ay taageersanaayeen maaddadan, qaarna waa ay kasoo horjeedeen. Macalinkii waa uu aamusay waxaana uu eegayaa ardayda, inyar kadib ardaydii waa ay aamuseen.
Macalinkii ayaa yidhi, ” Maanta xiisadi ma jirto.. waxaana aynu ku bedelaynaa ciyaar iyo inaynu isweydiinno wax ka baxsan maaddadan!”
Ardaydii hal mar bay sacab iyo qaylo la oogsadeen iyaga oo ku faraxsan ciyaarta iyo inaan maanta Carabidii la dhigayn.
Macalinkii waxa uu sabuuraddii ku sawiray quraarad ama dhalo af dhuuban oo ay digaagadi ku dhex jirto. Waxa uu ardaydii weydiiyey macalinkii, ” Yaa awooda inuu digaagadda ka soo saaro quraaraddan Bishardi; isaga oo aan jebin quraarada isla markaana aan dilin digaagadda!!?”
Masuuliyiintii ka socday wasaaradda iyo ardaydiiba waxa ay bilaabeen in mid kasta oo ka mid ahi uu ku mashquulo sidii uu digaagadda uga saari lahaa quraaraddan ay ku jirto, isla markaana uu u garan lahaa su’aasha macalinka.
Mid ka mid ah ardayda ayaa farta taagay waxana uu yidhi, “Macalin jawaabta Su’aashani waa laba mid uun; in quraaradda la jebiyo oo digaagadda laga soo saaro ama in la dilo digaagadda oo tusaale ahaan biyo karaya lagu dul shubo hilibkeedana laga soo saaro!!”
Macalinkii waxa uu ku yidhi, ” ma jebinayo shuruudihii aynu dhigannay ee su’aasha jawaabtiina maad sixin.” Arday kale ayaa gacanta taagay sidii oo kale waxa uu yidhi, “macalin ninkii digaagadda dhex geliyey quraaraddu ayaa kasoo saari kara’e, haka soo saaro isagu.”
Ardaydii oo dhan baa ku qoslay jawaabta ardaygaas. Macalinkii ayaa hadalka qaatay oo ku jawaabay ” waa sax! Waa sax! Jawaabta uu ardaygaasi bixiyey, ninkii digaagadda dhex geliyey quraaradda ayuun baa kasoo saari kara!. Idinkuna sidaas ayaad ka dhigan tihiin, waxa nafiinna ugu sheekayseen in luuqadda carabidu adag tahay oo aan la dhigan karayn, maskaxdiina ayaana ka dhaadhiceen, aniguna si kasta oo aan dadaal ugu bixiyo inaan casharada idiin sharraxo oo idin fahansiiyo, ma fahmi kartaan waayo maskaxdiina ayaad dhex geliseen inaan carabida la baran karin..
Maanta xiisaddu halkaas bay innoogu joogaysaa soo kala doorta laba mid; inaad luuqadda carabidu waa fududahaye aad barashadeeda nafta usii daynaysaan iyo in ay sidaa weligiin idiinku adkaanayso!.”
Masuuliyiintii wasaaradda ka tirsanaa iyo ardaydiiba waxa uu sheegay inay qisadii aad ula dhaceen, isla markaana ardaydii ayaa dadaal badan ku bixiyey barashada carabida.
Qisadani waa qiso dhab ah oo uu nin macalin ah oo Carbeed soo dhigay bartiisa Facebook halkaas ayaanan kasoo turjumay, waxa aan usoo turjumay qisadan macalinka iyo ardayda dhex martay murti ayey xambaarsan tahay.
Imisa ayeynu nafeheenna iyo maskaxdeenna ka dhaadhicinnay waxyaabo la baran karo inay adag yihiin dabadeedna sidaas baynu ku dayacnay fursado nololeed oo badan.
Qof walba oo innaga mid ahi waxa uu jecel yahay inuu barto luuqad cusub oo aan ahayn tiisa hooyo siiba afafka caalamiga ah sida Carabida, Ingiriisida, Faransiiska, Jayniiska, Raashiyaanka iyo kuwa la mid ka ah laakiin ma baran karno waayo digaagado ayaa nafeheenna dhex gelinnay cid kasoo saari karta oo kalena ma jirto innaga mooyaane.
Wax kasta oo aad u baahan tahay hadday tahay luuqad cusub, xirfad cusub, aqoon cusub iyo wax kasta oo nolosheenna aakhiro iyo Adduunba faa’iido u leh waynu baran karnaa waxa keliya oo innaga xiga waa DOONIS iyo DADAAL haddii aad labadaa ku bixisona, wax waliba way fududaadaan.

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles