Kulan Xaasaasiya oo Dhexmaray Xisbiga Waddani iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

16

Wadahadalo rasmiya ayaa u bilaabmay Madaxda xisbiga Waddani iyo is-bahaysi uu hoggaaminaayo Siyaasi Maxamed Haashi Cabdi. Wadahadalkan oo daaranaa sidii looga arrinsan lahaa xaaladaha siyaasadeed ee wadanku ku suganyahay iyo u diyaar garawga doorashooyinka madaxweyne ee inagu soo fool leh, una muddaysan in ay qabsoonto dabqaayada  sanadka soo socda ee 2022.

Kulankan dhex maray labada dhinac ayaa waxaa xisbiga waddani uga qayb galay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Axmed Cismaan Geeljire, Maxamed yuusuf Waabeeye, Maxamed Iid Dhimbiil, Cisman Afgaab Nuur,  Maxamed Cali Sanqoole, Axmed awdiiriye,  iyo xoghaye Cabdiqaadir Iidleh. Halka dhinaca kalena ay siyaasiga Maxmuud Xaashi Cabdi ku wehelinayeen Cali Siciid Raygal, Axmed Baynax, Cabdillaahi Baashe iyo xubno kale.

Kulankan ayaa ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo aan warbaahinta loo ogolayn isla markaana saacado badan qaatay. Kulankan ayaa laysku waafaqay in la sii wado wada hadalka kulamo kalena laysugu yimaado.