Warbixin dhawaan ay soo saartey Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayey ku sheegtay in ka ganacsiga beeyadu ay noqotay ganacsiga labaad ee ku xiga dhoofinta xoolaha nool oo taariikhiyin Somaliland ay caan ku tahay. Beeyadan oo intooda badan ka soo go’da gobolka Sanaag ay loo dhoofiyaa suuqyo cusub oo ay ku jiraan dalal ka mid ah Europe halka markii hore ay ku ekeyd dunida Carabta oo qura.