Hargeisa
broken clouds
16.1 ° C
16.1 °
16.1 °
66 %
5.5kmh
67 %
Fri
15 °
Sat
23 °
Sun
23 °
Mon
24 °
Tue
26 °
spot_img
Friday, January 28, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo ka warbixiyey safarkii u ku joogay Jibuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaasi...

Duqa Caasimadda oo Sharciyo Cusub oo Bilacda Magaalada ah soo jeediyey

Mudane CKriim Axmed Mooge, Guddoomiyaha Caasimadda Hargeysa...

Jabuuti: Kalfadhii 5aad ee Madasha Aragtiwadaagga ee Machadka Heritage.

UncategorizedJabuuti: Kalfadhii 5aad ee Madasha Aragtiwadaagga ee Machadka Heritage.
Furitaanka kalfadhii 5aad ee Madasha Aragtiwadaagga ee Machadka Heritage, ayaa waxaa shirkan si weyn u bilay ka qaybgalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Khudbaddii uu ka jeediyay, wuxuu hortaba ku billaabay soo dhoweynta ka qaybgalayaasha tiro badan kaga Kala yimid dalalka jaarka ah iyo dunidoo dhan gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub.
Wuxuu Madaxweynuhu intaa ku daray inay “Djibouti Sharaf u tahay inay joogtayso martigelinta kulamada aqoonyahanka iyo cilmibaadhista ee Machadka Heritage.”
“waxaan mar walba la garab taagannahay taageero aan xad lahayn shaqada iyo himilooyinka Machadkan waayo waxaan rumaysannahay inuu ka shaqaynayo horumarka, nabadda iyo xasiloonida umadaha dega Gobolka.”
Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu Madaxweynuhu yidhi: “ kolka la arko Kala duwanaanta xubnaha machadka iyo dadka lagu casuumay madasha oo ka yimid dalal iyo dawlado kala duwan, Machadka Heritage wuxuu muujiyay baaxadda waxqabadkiisa iyo dhoogsamida aragtida fog ku salaysan ee bulshooyinka iyo taariikhdooda, taasoo xil weyn innaga saaraysa in lala kobciyo isku duubnida lagana ilaaliyo kala qaybinta.”

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles